BANDHIG SIYAASADEED: Imisa qish ayaa laga qaadan karaa sidii ay u qabsoontay doorashadii Guddoonka Aqalka Sare?!

0

(Muqdisho) 27 Abriil 2022 – Doorashadan Aqalka Sare waxay ahayd mid laysku mashqicinayey, oo cid waliba awooddeeda doonaysay in ay tijaabiso.

In kastoo dhinac waliba is daadraacinayey , oo Deni oo guul daro weyn kala kulmay doorashadan hanbalyeeyey Timacadde oo is daad raaciyey haddana sida ay xog-ogaal sheegeen cadho badan ayaa ka dhalatay.

Deni iyo Jubaland waa ku kala shakiyeen, sababtoo ah Jubaland iyo Axmed Madoobe waxay doonayeen in Fartaag ku soo baxo ku xigeenka labaad si ay u taageeraan Deni. Deni-se wuxuu ku guul daraystay in uu Timacadde oo ugu cadcadaa dadka dhinaca Deni ka sharaxan in uu baajiyo.

Deni iyo Timacadde maalmihii ugu danbeeyey waa kala hulleeleen, sidaas oo ay tahay ayuu Timacadde dhibco badan ka wataa Deni, Wasiirka warfaafinta ee Puntland Timacadde saamayn ayuu ku lahaa in la magacaabo, iyada oo Deni quudaraynayo laba cod oo Timacadde haysto, haddana Deni waxba uma tarin tanaasulaadkii uu u sameeyey Timacadde.

Timacadde cododkan in uu ku soo baxo waxaa kala shaqeeyey ganacsato iyo NN oo ku muujinayey saamaynta ay ku yeelan karaan doorashada aqalka sare, waxayse NN ku guul daraysteen in ay soo saaraan Cabdixakiim oo u sharaxnaa Guddoomiye ku xigeenka koowaad.

Jubaland iyo Deni waxaa isugu laaban guddoomiye ku xigeenka koowaad ee aqalka hoose ee Beri la qaban doono, waxaana ka mid ah xubnaha u sharaxan laba xildhibaan oo ka soo kala jeeda Puntland iyo Jubaland, Axmed Madoobe iyo Jubaland waxay doonayaan in uu Deni ku taageero arrintaas, waana suurta gal in Deni ku qancin kari waayo gabadha ka sharaxan Puntland in ay tanaasusho sidii Timacadde, isla markaana ama iyada loo codeeyo ama Khadiija ku soo baxdo.

Doorashada Cabdi Xaashi ayaa iyadanu ku timi loolan ka dhaxeeyey laba dhinac oo is hayey oo uu aad uga faa‘iideysta Cabdi Xaashi, gaar ahaan dagaal siyaasadeed ee ka dhaxeeyey Saalax iyo Mahdi, waana sababta xubno ka tirsan NN iyo Mahdi Guuleed ugu codeeyeen Cabdi Xaashi sida la aaminsan yahay.

Loolan adag ayaa la galay, waxaase muuqata in doorashada aqalka hoose ee soo socota wax badan lagu sii saadaalin karo.

Inkasta oo guddoomiye ku xigeenka labaad ee Aqalka Sare aanu lahayn miisaan weyn haddana dad badan ayaa u arka guul macnawiya,rayil caamka guud wuxuu isaguna ku jihaysan yahay in sanadkan uu dalka madaxweyne ka noqdo siyaasi ka soo jeeda Muqdisho.

W; Q: Asad Cadaani Ibraahim

Hadalsame Media