Somalia oo ay ka bilaabatay FARSAMO cusub oo kacaamin doonta intifaaca xoolaha nool + Sawirro

0

(Muqdisho) 26 Abriil 2022 – Sida ay ku celceliyaan culimada degaanku, Somalia ayaa ka mid ah dalal loo asteeyey inay qiime badan ku bixin doonaan cimilada caalamka ee la sheego inay is bedelayso amaba kululaanayso, iyadoo fasalkii 3-aad oo xiriir ah uu roobku ama baaqanayo ama ka yar yahay celceliskii caadiga ahaa.

Somalia oo aan muddo dheer wax nidaam ah oo micne leh lahayn ayaan sidaa darteed wax qorshe qaran ah ka lahayn la noolaanshiyaha waaqican cusub, balse dadwaynaha Soomaaliyeed ee uu siyaasigoodu gabay ma quusan oo intaa wax bay holliyaan.

Haatan waxaa tijaabadii 1-aad kasoo baxday qorshe lagu doonayo in lagu beero cows mullaaxeed calaf looga dhigo xoolaha xilliyada jiilaalka taasoo ah farsamo muhim u ah beeraha (horticulture) oo ka maqnayd Soomaalida.

Waxaa qorshahan oo qayb ahaan uu fasalkii 1-aad soo go’ayo cows ah nooca loo yaqaan Mullata oo nooca ugu fiican xoolaha maadaama boqolleeyda barotiinka (protein) ku jira uu aad u sarreeyo oo uu yahay 18% uu kasoo go’ayaa duleedka Muqdisho.

Cowskan ayaa ku baxaya 3 bilood oo qura ama 90-habeen, balse taasi waa korriinkiisa ugu wayne uma baahna in la sugo, waxaana lagu goosan karaa 45 maalmood kasta muddo 5 ilaa 10 sanadood ah, iyadoo markii la gooyaba la waraabinayo oo uu kii hore soo fufi karo, sida uu Hadalsame Media u sheegay Cabdiraxmaan Sabriye oo aqoon u leh culuunta beeraha, laftiisuna wada qayb kale oo tijaabo ah.

”Si wanaagsan ayuu u baxayaa waxayna hadba ku xiran tahay sidii nafaqada iyo biyaha loo siiyo.” ayuu yiri Sabriye oo tilmaamay inay ku filan tahay dhowr hekter oo ceel leh, taasoo ay dad badani samayn karaan.

Arrintan ayaa kacaamin karta xoolo dhaqashada Somalia oo ilaa maanta aan dhaqasho (animal husbundry) gaarine weli xoolo raacasho ah.

W; D: Maxamed Xaaji

Hadalsame Media