Askari Ruush ah oo arrin laga naxsan yahay kula kacay ayeeyo reer Ukraine ah

0

(Kherson) 26 Abriil 2022 – Ayeeyo reer Ukraine ah ayaa la sheegayaa inay sibiq uga baxsatay qarax bambo kaddib markii uu askari Ruush ihi siiyey kartoon caano ah oo miinaysan, isagoo iska dhigaya inuu caawinayo haweenayda.

Ha yeeshee, markii ay islaantii hawlgabka ahayd oo ku nool magaalada la hareereeyey ee Kherson ay tagtay gurigeeda si ay u furto kartoonka sare waxay dareentay fiilooyin ku dheggan daboolka.

Eegis dheeraad ah ayaa lagu ogaaday in fiilooyinku ay ku xiran yihiin qarax. Wiilkeeda ayaa u sheegay warqaadka maxaliga ah ee in.kherson.ua: ”Hooyaday waxay ogaatay inay wax ka khaldan yihiin caanahan, iyadoo u qaadatay inuu qof hore u cabay, ama ay sijilka ka jabeen.”

Markii dad khubaro ah la tusay oo si taxadar leh loo furay waxaa la ogaadey in walxaha qarxa ee guri-samayska lagu soo xirey kartonka caanaka si uu ugu qarxo qofkii daboolka ka qaada.

Hadalsame Media