Maxaa ka cusub iibka AC Milan? (Waxa xalay ku dhacay Massara & arrin uu sameeyey Ibrahimovic)

0

(Milano) 25 Abriil 2022 – Sida la wada ogsoon yahay, Sanduuqa Carbeed ee Investcorp ayaa wuxuu helay xuquuq gaar ah si uu naadiga AC Milan ugala xaajoodo helitaanka saamiga ugu badan ee kooxda.

Sanduuqa maalgelineed ee hodonka ah oo reer Bahrain ee Investcorp oo ay sidoo kale taageerayaan Mubadala oo ah hay’ad kale oo maalgelineed oo Imaaraati ah oo uu xitaa qayb ka yahay Madaxwaynaha Man City ayaa doortay inay maalgashi ku sameeyaan kubada cagta Talyaaniga oo aysan weli soo gelin Carabtu, gaar ahaan iyagoo diirada saaraya midabada Rossoneri.

Sida uu maanta qorayo Tuttosport iyo warqaadyo kale, waxaa haatan la dhamaystiray sixitaanka hanti-dhowrka xisaabaadka waxaana xigaya tafaasiillo kooban oo haran iyadoo kaddib ay Milan ku iibsanayaan 1.1 bilyan oo Euro, taasoo ah qiimihii ugu badnaa ee abid lagu iibsado koox Talyaani ah, iyadoo Milan 13-kii Abriil 2017 lagu iibiyey 774 milyan oo euro.

Investcorp & Mubadala ayaa marka la isu geeyo haysta adduun ku dhow 300 oo bilyan oo Doollar, taasoo Milan ka dhigaysa mid ka mid ah 3-da naadi ee ugu hodonsan caalamka kubadda cagta, haddii uu iibkani hirgalo.

MASSARA MAXAA KU DHACAY?

Dhanka kale, waxaa xalay la arkayey Maareeyaha Ciyaaraha AC Milan ee Frederic Massara oo dhamaadkii Lazio-Milan oo ay xilligii dhimashada ay Milan 2-1 ku badisay kaligii meel fadhiya oo ooyaya, balse saxaafadda Talyaaniga ayaa arrintaa ku fasirtay inuu mar ku farxay guushii xalay, shaqada uu Milan ka hayo taasoo uu ka mid yahay ragga soo nooleeyey kooxda isagoo si gaar ah ula hadlay Sandro Tonali oo goolka guusha ah xalay dhaliyey iyo inuu woxoogaa iska tufayey xiisaddii niyadeed ee ka dhalatay ciyaartii xalay oo ahayd mid dareen leh.

Waxaa kale oo la sheegay inuu xusuustay waayihii uu ka shaqaynayey gegada Stadio Olympico isagoo maareeye ciyaareed u ahaa AS Roma oo isla garoonkan ku ciyaarta, balse saxaafadda Talyaanigu waa beenisey inuu Milan ka tegayo, iyadoo xitaa haddii naadiga la iibiyo ay sii joogayaan isaga, Paolo Maldini iyo Moncada oo ku qaybsan dhanka soo indha-indhaynta laacibiinta.

IBRA MUXUU SAMEEYEY XALAY? Waxay ku qaadatay ilaa 25 daqiiqo oo uu Garoonka Olimpico ku jirey inuu soo celiyo nidaamkiisii dabiiciga ahaa iyo guushii ciyaarta. Zlatan Ibrahimovic ayaa xalay noqday qawaarkii ugu waynaa abid Serie A ee gool dhiga, isagoo jebiyey rikoodhkii Franceco Totti. Ibra ayaa jira 40 sano, 6 bilood iyo 21 maalmood.

Balse sida uu qabo laacibkii reer Jarman ee Bastian Schweinsteiger, oo haatan falanqeeye ciyaareed ah, ayaa bartiisa twitter-ka u hibeeyay muhiimadii uu Ibrahimovic xalay u lahaa guushii Milan ee Olimpico iyo tartanka sii adkaanaya ee Scudetto.

“Zlatan wuxuu tartanka Horyaalka Talyaaniga ka dhigay mid furan. Ma ahan oo kaliya caawinta goolkii guusha, laakiin sidoo kale dhaqdhaqaaqiisa si uu u xiro baaska dambeed loo celin lahaa goolhayaha, kahor inta uusan Rebic kubada xadin. Waa tafaasiil yar oo faraq keenaysa. Mahadsanid Ibra!” ayuu soo qoray Schweinsteiger.

Hadalsame Media