HALIS! ”Dagaalka 3-aad ayaa bilaabmaya markan!” – Ruushka oo ka digey hub nukliyeer ah oo uu Maraykanku geeyey hawada sare

0

(Hadalsame) 23 Abriil 2022Ruushka ayaa ka digey in weerar ka dhan ah dayax gacmeedyadu uu sababi karo dagaal caalami ah oo 3-aad, sida uu sheegay Dmitry Rogozin, oo ah Madaxa Wakaaladda Hawada sare ee Ruushka ee Roscosmos, shalay Sabtidii.

“Waa in maskaxda lagu hayaa in burburinta dayax gacmeedyada shisheeye ay ka dhigan tahay Dagaalkii Adduunka III. Waa casus belli, mana jiro wax shaki ah oo taas ku saabsan, “ayuu yiri Rogozin, isaga oo isticmaalaya erayga Laatiinka ah ee loo adeegsado sababaha sharci ahaan si rasmi ah loogu bilaabo dagaallada.

MAXAA RUUSHKA KA QAYLISIIYEY? Maraykanka ayaa wada mashruuca Boeing X-37 oo ah dayuurad aan cidina wadin oo tegi karta hawada sare iyadoo hubaysan taasoo tan iyo 2010-kii howleheeda la qarinayey qaybna ka ah mashaariicda Wasaaradda Gaashaandhigga.

Dayuuraddan oo hanti muhim ah u ah millateriga Maraykanka ayaa marka laga soo tago inay samayn karto sahan iyo sirdoon waxay sidoo kale qaadi kartaa hubka nukliyeerka, iyadoo qorshaynaysa inay duulliimaadkii 6-aad ku tagto hawada sare waloow uu Ruushku sheegay inay haatanba ku jirto hawada sare (space) iyadoo ah dayuuradda qura ee marka ay hawada sare kasoo noqoto si caadi ah u degi karta.

Ruushka ayaa ka digey in la hubeeyo hawada sare, iyadoo uu Rogozin sheegay in markii ay arrintaa iyaga iyo Shiinuhu ay Maraykanka ula tageen uu ku salaamey dhego layr u daloola.

Ruushka laftiisu wuxuu leeyahay MiG-31 Foxhound oo qaadi kara gantaalo lagu ridi karo hawada sare oo lagu burburin karo dayax-gacmeedyada iyadoo 2018-kii la arkayey dayuuraddan oo ka timid xilligii Soofiyeedka oo ay gelbinayso dayuurad kale oo ah MiG-29.

In hubka wax gumaada la geeyo hawada sare ayaa si caalami ah u mamnuucnayd tan iyo 1967-kii.

Boeing X-37
MiG-31 Foxhound oo sidda gantaal lagu sheegay kuwa dayax-gacmeedyada burburiya oo ay gelbinayso MiG-29

Hadalsame Media