Siyaasadaha keenay inay naftu ka baxdo nidaamkii Nabad & Nolol (Ninka nuxur tiray & inta la nudday)

0

(Hadalsame) 23 Abriil 2022 – Fahad iyo inta kale. Waa qormo Dheer oo aan caadifad la’aan ku eegay labada dhinac iyo siyaasaddoodii fashilka ku dhamaatay.

Umma baahna in laga hadlo MW Maxamed Cabdullaahi Farmaajo marka larabo in la falanqeeyo awooddii dhaqalaha iyo cudduda ku salaysnayd ee kooxda Nabad iyo Nolol.

FURSADIHII UU LUMIYAY FAHAD
Bilowgii kacaankii awoodda iyo dhaqaalaha ee FAHAD waxaa u heellanaa dhallinyaro iyo saraakiil badan oo beel walba leh, kuwaas oo aad u daneynayay isbeddel iyo nidaam cusub sidoo kalena mar walba u heellanaa inay la shaqeeyaan Nabad iyo Nolosha Cusub, laakiin nasiib darro Fahad uma isticmaalin hab fiiro dheer iyo mid mustaqbal siyaasadeed leh.

TILLAABOOYINKII INDHA-LA’AANTA AHAA
• Duullaankii Baydhabo
• Ku xadgudubkii heshiisyadii beelaha Hiiraan iyo dhismihii Hirshabeelle
• Isku daygii wax ka bedeliddii awoodda Kismaayo
• Duullaankii lala galay awoodda iyo dhaqaalaha dadka deggan Gobolka Banaadir
• Cunaqabatayntii Puntland iyo xannibaadii qoondooyinkii dhaqaale ee Somaliland, intaas oo albaabo oo dagaal siyaasadeed iyo mid dhaqaale ah waxay Villa Somalia ku noqotay kaligeed iyo inta kale.

Sanado kaddib riditaankii Ra’isul wasaare hore KHAYRRE waxaa lumay gacan ku haysashadii qayb kamida beelaha Gobolka Banaadir waxaana bilowday fahankii iyo iska caabbintii loo wada tashaday ee lagula dagaalay awooddii Fahad iyo Villa Somalia.

WAX XEERISKA SIYAASADDA
Haddii Fahad uu wax reeban lahaa dhanka la macaamilka, haba yaraatee qayb ka mid dadka Muqdisho waxaa suurtagal ahaan lahayd innuu helo siyaasad kala qaybsan iyo aqli beeqaamisan, laakiin nasiib darro muusan yeelin taas waxayna ku dhamaatay isaga Fahad ah iyo intii kale illaa uu xitaa waayo wax ugu hiilliya xaqii uu lahaa ka muwaadin ahaan.

ROOBLE IYO FAHAD
Imaansha Rooble ee Xafiiska Ra’iisul Wasaaraha Qaranka, Fahad wuxuu ku lahaa gacan wayn in Rooble uu noqdo Wasiirka Koowaad ee Soomaaliya, Rooblena ma diidanayn inuu la shaqeeyo Fahad, laakiin La-taliyeyaalka labada dhinac ee Fahad iyo Rooble ayaa kala fogeeyey siyaasadda Rooble iyo Fahad iyadoo ay gadaal uga tolnaayeen raggii ay Fahad is hayeen ee sanadihii hore ee awoodda Dowladda aan waxba loogu xeerin sida Cabbdiraxman Cabdishakuur, Cabdi Qaybdiid, Cabdikariin Guuleed iyo Khayrre.

Halka dhanka kale ee Fahad ay ku tolnaayeen rag ay ka mid yihiin Cabdishakuur Cali Mire, Cabdiraxmaan Dheere iyo Kulane Jiis oo aan talooyinkoodii waxba ku xeerin, waxna u reeban dhinaca kale ilaa ay gaadhey siyaasad aad u aragti hooseysa oo aan loogu aabo yeelin qarannimo iyo muwaadinnimo dadkuna ay ugu yeereen siyaasad caruureeddii labada dhinac.

IMAARAAD & QADAR
Ka gadaal fasixiddii lacagtii 9-ka milyan ahayd ee uu Rooble u fasaxay Imaaraadka, waxay taasi furfurtay awooddii dhaqaalaha ee kalida ku ahayd Fahad waxaana uu Rooble garab la noqday waddanka Imaaraadka Carabta, taas oo keentay in ay timaado sunuud badan oo lagula tartamo awooddii dhaqaalaha ee kalida ahayd ee uu haystey FAHAD Yaasiin.

DHAMAADKA ABRIIL 2022
Kaddib doorashadii Gudoonka Baarlamaanka 11-aad waxaa soo afjarmi doona buugii loollanka labada xafiis iyo loollanka labada magac ee FAHAD iyo ROOBLE.

Dagaalka uu Rooble la galay shakhsiyan FAHAD Yaasiin iyo Villa Somalia waxay Dhaawac culus u gaysatey mustaqbalka danbe ee Rooble marka xagga siyaasada laga eego, waayo Rooble waxaa lagu eedaynayaa in uusan laftiidu dhiniciisa u aabo yeelin dagaalka marka meelo badan laga eego, taasina waxay keentay in siyaasiyiin badan ay Rooble ka didaan mustaqbalka oo ay adkaan karto inay wax la wadaagaan.

FAHAD: Figraddii ku salaysnayd uma baahni cid aan anniga i dhageysanayn iyo nidaamkii amiiriga ahaa ee aan aadka u furfinayn waxay bur burisay dowladnimadii nasiibka lagu helay ee Nabad iyo Nolol.

FAHAD siyaasadiisa kuma jirin wax xeerin, xeel iyo dad reebasho waxayna keentay kaligiis iyo inta kale.

Waxaa qoray: Suxufi madax banaan Cabdirasaaq Socoto

FG: Qoraal kasta wuxuu ka tarjumayaa aragtida qoraha ku saxiixan oo qura

Hadalsame Media