Muxuu xalay Maraykanku ka sameeyey hawada Somalia (Muxuuse geeyey Muqdisho?)

0

(Muqdisho) 23 Abriil 2022 – Ciidamada Maraykanka ayaa horraantii Jannaayo ee 2021-kii sheegay inay ciidamadooda kala bexeen Somalia, kaddib markii uu taa si halhaleel ah u amray MW hore ee dalkaasi, Donald Trump.

Yeelkeede, sida uu marar badan sheegay Taliska Maraykanka ee AFRICOM, marna si buuxda ugama bixin Somalia, iyagoo jooga saldhigyo 3 ah oo ku kala yaalla koonfurta sida Muqdisho, Kismaayo iyo Balli-doogle.

Dayuurad ay leeyihiin Ciidanka Badda Maraykanka ee USNAVY oo ah nooca KC130J ayaa kasoo duushay hawada iyadoo sidda dayuurad ah nooca qumaatiga u kaca ee V22 OSPREY.

Waxay dayuuraddan oo habeennimo tagtay Muqdisho iyadoo kasoo duushay Jabuuti oo ay isla xalay ku noqotay ay hawada ku qaadatay shidaal iyadoo duulaysa joog dhan 10,000 oo cagood, sida aannu xogta ku helnay.

Lama faahfaahin waxa loogu tala galay dayuuraddan Muqdisho la geeyey iyo qorshaha kale ee ka dambeeya iyo haddii ay siddey agab kale oo ciidan iwm.

Hadalsame Media