Koox dhalisay LAAD XOR ah oo aan horay garoomada loogu arkin & hadal hayn ka ka dhalatay (Daawo)

0

(St. Petersburg) 23 Abriil 2022 – Haddii aad raadinayso hal abuur cusub oo laadadka xorta ah oo ay ku xardhan yihiin dhammaystir si qurux badan loo sameeyey, ha eegin meel ka durugsan goolkii wacnaa ee kooxda Alania Vladikavkaz ay Russia Cup uga reebtay camaaliqada Ruushka ee Zenit St. Petersburg.

Iyagoo 2-1 ay ku hoggaaminayso kooxda difaacanaysa Horyaalka Premier League ee Ruushka islamarkaana ay ku sii jireen xasarad dhaawac ah oo ay laacibiin badani kaga maqnaayeen ayay wareegga rubuc-dhamaadka habeenkii Arbacada ku wajaheen kooxdan, balse Alania ayaa ku fara yaraysatay laad xor ah meel ka baxsan diilinta Zenit.

QAABKA AGAASINKA: Xilli Zenit ay diyaarinaysey darbigooda difaaca ah, ciyaartoyda Alania waxay markii hore qaateen boosas caadi ah iyaga oo ku lammaansan laacibiinta kale ee kooxda Zenit.

Laakin kaddib markii seeriga laa afuufay, xiddigaha Alania ayaa si wada jir ah ugu soo orday bareellihii laadka xorta ahaa, iyadoo qaar ka mid ihi ay kubada cagta taabsiiyeen intii ay soo ordayeen.

Halkaa kuma dhammaanin dhaqdhaqaaqa cakiran, waayo hal ciyaaryahan oo Alania ka mid ah ayaa iska dhigay inuu darbada qaadayo balse wuu ka boodey, kahor inta uusan Nikolai Giorgobiani uusan kubbad qurux badan gees ka gelin shabaqa goolhayaha Zenit ee Mikhail Kerzhakov.

Waa xaalad foorjo ku noqotay kooxda Zenit.

Hadalsame Media

Facebook Comments