Dowladda Ingiriiska oo lagu qabtay arrin laba-wejiilayn ah oo ay kula dhaqmayso Muslimiinta (Maxaa dhacay?)

0

(London) 23 Abriil 2022 – Farriimo e-mail ah oo ay dirtay Wasaaradda Ganacsiga Caalamiga ah ee UK ayaa waxaa ka muuqata in Qubada Masjidka Aqsaa ay u adeegsadeen inay tahay wax ay Israel leedahay waloow ay markii dambe bedeleen kaddib markii uu farta ku fiiqay Twitter-ka qoraa ka tirsan warqaadka MEE.

Qoraaga Chris Doyle ayaa farta ku fiiqay arrintan kaddib markii ay Wasaaraddu ay qubada ka dhigtay calaamad Israeli ah tiiyoo aanay UK u aqoonsanayn meel ka tirsan Israel.

Muuqaalkani wuxuu kusoo baxay sawirro ay dabool ahaan usoo saartay Wasaaraddu oo loo adeegsadey buug yare soo baxay 1dii Febraayo kaasoo looga tashanayey “sida loo wajahayo bilowga wada hadallo ku saabsan ganacsi xor ah oo lala yeesho Israel mustaqbalka”.

Yeelkeede, markii uu Doyle arrintan qarxiyey 10-kii Febraayo  ayay saraakiisha Wasaaraddu sawirkii bedeleen, iyadoo uu Maareeyaha Golaha is Fahamka Britain iyo Carabta (CAABU) uu lasoo orday mareeg muujinaysa qoraal aanu sawirku markan ku jirin, waloow durba arrintan loo fahmey siyaasad u degsan Downing Street oo uu wax ka ogyahay RW Boris Johnson.

Israel ayaa bilowday sheegadka in ay Quddus u tahay caasimad kaddib markii ay qabsatay Bariga Qudus 1967-kii, balse webka Dowladda UK iyo xitaa Qunsuliyadda UK ee Quddus ayaa waxaa ku qoran mowqifka UK oo ah dalka dhulkan soo dejiyey Yuhuudda:

“Mowqofka Dowladda UK wuxuu yahay sidii uu ahaa Abriil 1950-kii, markii ay UK aqoonsatay “dowladda Israel” balse aysan u aqoonsan Qudus oo sugaysa aayo ka talin kama dambays ah.”

Hadalsame Media