“Dagaalku wuu ballaaranayaa” – Carabta oo ka gilgilatey Yuhuud beryahan ku dhex “dukanaysa” Masjidul Aqsaa xilli Muslimiinta halkaa lagu dhibayo

0

(Hadalsame) 23 Abriil 2022 – Ururka Jaamacadda Carabta ayaa ugu baaqay Israa’iil in ay soo afjarto salaadda Yuhuuda ee gudaha dhismaha masjidka saddexaad ee ugu barakaysan Islaamka ee ku yaal Bariga Quddus, iyaga oo ka digey in ay meel ka dhac ku tahay dareenka Muslimiinta taadoo dhalin karta isku dhac ka ballaaran midka haatan, sida ay ku warrantay wakaaladda wararka ee Reuters.

Waxay sheegeen, in iyadoo Israa’iil ay xaddidayso xaqa cibaadada Muslimiinta ku nool magaalada Qadiimiga ah ee Quddus, ay Yahuudda xagjirka ah oo weliba ku hoos jirta ilaalinta booliiska loo oggolaaday in xilliga ugu muhiimsan Muslimiinta ee bisha Ramadaan ay galaan dhismaha Masjidka Al-Aqsa.

Masjidkan oo ku fadhiya dusha sare ee taagga derbiga magaalada Qadiimiga ah ee Qudus, waxay Muslimiintu u yaqaannaan Haram Al Sharif, halka ay Yuhuuddu ay ku sheegaan Temple Mount, iyagoo ku doodaya inay tahay goobta ugu barakaysan diinta Yuhuudda, halkaas oo ay aaminsan yihiin in laba macbadyo oo qadiimi ihi ay ku yaallaan.

“Dalabkayagu waa cad yahay in Al-Aqsa iyo Xaram Al Sharif iyo dhammaan aaggiisu ay yihiin goob cibaado oo kaliya gaar u ah Muslimiinta,” ayuu yiri Wasiirka Arrimaha Dibadda ee Urdun, Ayman Al-Safadi oo la hadlay warbaahinta, isagoo uu wehliyo Madaxa Jaamacadda Carabta, Axmed Aboul Gheit, kaddib kulan degdeg ah oo dhacay Cammaan oo ku saabsan arrintan.

Gheit waxa uu isna ku baaqay in Israa’iil ay jebinayso siyaasad qarniyo soo jirtey, taas oo dhigaysa in ay dadka aan Muslimka ahayni ay booqan karaan xarunta Masjid Al-Aqsa, oo ah goobta saddexaad ee Islaamka ugu xurmada badan marka laga reebo Maka iyo Madiina, balse aanay ku tukan karin halkaas.

Hadalsame Media