Warfaafinta rasmiga ah ee Puntland oo wax ka qortay shirkii uu maanta guddoominayey Md Karaash (Xilka ay siisay?)

0

(Garoowe) 21 Abriil 2022 – MW Puntland, Siciid Deni, ayaa si rasmi ah ugu dhawaaqay inuu u sharraxan yahay madaxtinnimada Somalia, isagoo haatan ku sugan magaalada caasimadda ah ee Muqdisho.

Waxaa kale oo uu Deni muujiyey inuu sii haysanayo xilka madaxtinnimada Puntland, taasoo uu usoo noqonayo haddii uu ku guuldarraysto Madaxtooyada Somalia, waana arrin ay dad badani ku tilmaameen ”ludda jecli lafta jecli iyo sharci darro.”

Waxaa dadkaa ka mid ah MW Xigeenka Puntland, Axmed Karaash, oo xalay ku dhawaaqay in aanu Maamulka Puntland u baahnayn inay gasho firaaq iyo xasarad dastuuri ah isagoo ku baaqay in la ilaaliyo nidaamka.

“Waxaan caddeynayaa in dalku uusan geli karin firaaq-distuuri ah, mas’uuliyaddaha & waajibaadkii dastuuriga ahaa waxay si-ku-meel ah ugu wareegayaan, una gudanaya anigoo ah Madaxweyne-ku-xigeenka dowladda PL.” ayuu yiri MW Xigeenku.

Haddaba, waxaa maanta dhacay shirkii todobaadlaha ahaa ee Golaha Wasiirrada Maamulka Puntland, kaasoo uu shir guddoominayey Md Axmed Karaash, waxaana lagu faafiyey warbaahinta rasmiga ah ee Puntland oo ay ku jirto tan Madaxtooyadu, balse waxaa lagu magacaabay MW Xigeen.

Hadalsame Media