Wararkii ugu dambeeyey ee weerarka Gaalkacyo (Dhaawaca Nabadoonka oo war kasoo kordhay)

0

(Gaalkacyo) 22 Abriil 2022 – Warar dheeraad ah ayaa ka soo baxaya iska horimaadkii ka dhacay fiidkii hore ee caawa beerta duqii hore ee Gaalkacyo, Nabadoon Yaasiin Cabdisamad oo lagu soo warramayo dhaawac culus inuu soo gaadhay, iyadoo lagu wado in berri loo qaado meel ka baxsan Gaalkacyo si daryeel dheeraad ah uu u helo, sida uu xaqiijiyey Weriye Siciid Nadaara.

Iska horimaadka inta uu socday hal askari ayaa geeriyooday mid kalana wuu dhaawacmay, kuwaaso dhammaantood ah ilaaladii la socotay Wasiirka Arrimaha dibadda. Sidoo kale wuxuu dhaawac soo gaaray taliye ku xigeenka qaybta Booliska gobolka Mudug.

Sidee wax u dhaceen?

Beerta uu ka dhacay iska horimaadka, waxaa ku sugnaa Wasiirka Arrimaha Dibadda Soomaaliya , Cabdisaciid Muuse Cali , xubno ka mid ah qoyskiisa , halkaa oo afur uu ugu sameeyay Nabadoon Yaasiin Cabdisamad oo ay weheliyeen qoyskiisa.

Wuxuu ku bilowday iska horimaadka, markii ay beerta gaareen ciidan ka tirsan Booliska gobolka oo doonayay inay gudaha u galaan beerta, balse waxaa is hor-istaag ku sameeyay ciidan ilaalo u ahaa Wasiirka Arrimaha Dibadda , Cabdisaciid oo shalay soo gaaray Gaalkacyo, taa oo keentay in rasaas la is dhaafsado. Wuxuu dhaawaca culus soo gaaray Nabadoon Cabdisamad xilli uu isku dayay in xaaladda uu qaboojiyo.

Booliska gobolka Mudug, ayaa la sheegay inay goobta u tageen si ay u joojiyaan shir lagu sheegay inuu goobta ka dhacayo, balse mar dambe waxaa la xaqiijiyay in kullanka uu ku koobnaa afur, wallow aan warbixin rasmi ah la soo saarin.

Booliska Wuxuu sidoo kale tallaabadan qaaday ka dib kullan guddiga amniga gobolka ay maanta yeesheen, kaa oo qodobbada ka soo baxay ay ka mid ahayd inan la qaban karin shirar aan oggalaansho heysan, ka dib markii kullan habeen ka hor beertaa ka dhacay uu dhaliilo ugu soo jeediyay Nabadoon Yaasiin, maamulka Madaxweyne Deni.

Dad wayne badan ayaa illaa xilligan ku sugan isbitaalka lagula tacaalayo xaaladda Nabadoon Yaasiin Cabdisamad.

Dhinaca kale, Wasiirka Arrimaha-dibadda Soomaaliya Cabdisaciid Muuse Cali ayaa ku eedeeyey Taliyaha Booliiska gobolka Mudug in uu weerara ku qaaday goob ay ku afurayeen, magaalada Gaalkacayo.

Cabdisaciid oo qoraal ku daabacay Twitter-ka ayaa sheegay in socdaalkiisa uu salka ku hayo arrimo qoys wuxuuna weerarka ku qeexay isku ‘day dil siyaasadeed.’

“Waxaana kula xisaabtami doonaa dhamaan tallaanooyinka laga maarmaanka ah” – Ayuu yiri Cabdisamiid.

Hadalsame Media