“Waa qorshe ma dhalays ah” – Maamulka Mudug qaybta Puntland oo ka hadlay cidda ay ku eedaynayaan weerarkii caawa

0

(Gaalkacyo) 21 Abriil 2022 – Maamulka Gobolka Mudug ayaa Wasiir ka tirsan Dowladda Federaalka Soomaaliya ku eedeeyey weerar dhimasho iyo dhaawac sababay oo caawa Gaalkacayo ka dhacay.

Gudoomiyaha Gobolka Mudug ahna Xildhibaan ka tirsan BJFS Mudane Cabdiladiif Muuse Nuur Waxa uu ka xunyahay waxii Caawa ka dhacay Magaalada Gaalkacyo “Waxaan ka xumahay waxii Caawa ka dhacay Magaalada Gaalkacyo, Waxaan alle naxariistii jano uga baryayaa askarigii ku geeriyooday Falkaasi sidoo kale Waxaan Caafimaad taama urajaynayaa iyo in alle ubooga dhayo Saraakiishii, Shacabkii iyo Askartii ku dhaawacantay Falkaasi,” ayuu qoraalka guddoonku ku bilowday.

“Waxaan rabaa inaan ucadeeyo Bulshada Soomaaliyeed iyo Shacabka Puntland falkii dhacay caawa masuuliyadeeda waxaa iska leh Wasiirka Arimaha Dibada DFS Cabdisiciid Muuse oo Magaalda Gaalkacyo uyimid ka mira dhalinta siyaasad ma dhalays ah iyo khal-khal galinta Amniga Guud ee Magaalada Gaalkacyo

“Waxaan fariin halkan uga dirayaa Dhamaan Bulshada Gobolka Mudug Dal iyo Dibed waxaad haysataan amni iyo Nabad maanta la isku halayn karo in badan oo kamida Magaalooyinka Somaliya aysan haysan ku fara adayga, kala shaqeeya laamaha amniga Gobolka Mudug wax kasta oo wax udhimi kara nabada Gobolka Mudug.” Ayuu raaciyey.

Hadalsame Media