FALANQAYN: Sucuudiga oo si xirfadaysan uga dhex shaxaya xasaradda Maraykanka & Ruushka (Xeeladda uu ciyaarayo?)

0

(Hadalsame) 21 Abriil 2022 – RAAD KALE EE DAGAALKA UKRAIN – Dhallinyaro, xiriirka Mareekanka iyo Sacuudiga wuxuu bilowdey 14/ 2- 1945-kii, markaas oo ay markab dushiis ku kulmeen masuuliinta labada dal. Boqorkii Sacuudiga Cabdi-casiis bin Cabdiraxmaan Aala-Sacuud (1876 – 1953) iyo Madaxwaynihii Mareekanka Franklin D. Roosevelt (1882 – 1945) ayaa maantaas ku kulmay balliga wayn ee Murra (The Great Bitter Lake) dushiisa. Balligu wuxuu dhacaa bartamaha biyamareenka Suweys. In-kasta oo labada dal ay isla soo mareen xiriir qurux-badan oo labada dhiacba ay si xooggan uga faa’iideysateen, misana waxaa jirey xilliyo ku-joogsi leh oo ay meel adag kala joogsadeen. Waxaa kamid ah sanadkii 1973-kii oo dowladaha Khaliijka ay joojiyeen shidaalkii ay ka iibin jireen Mareekanka iyo sanadkii 2001-dii markii dayuurado la af-duubey lagu weeraray dhismayaasha labadii daarood ee mataanaha ahaa.

Madaxwaynihii ugu danbeeyey ee Maraykanka Donald Trump ayaa isaga oo adeegsanaya wiilka uu soddoga u yahay (Jared Kushner), waxa uu xiriir gaar ah la yeeshay dhaxal-sugaha Sucuudiga Maxamed Bin Salmaan. Wiilkaas ayaa ka shaqeeyey in Sacuudiga loo saamaxo wax badan oo ka baxsan diblomaasiyadda dowladaha dunida ay iskula-tacaamulaan. Isla wiilkaas wuxuu cadaadis saarey nadaamka dowladda Mareekanka si ay indha uga qabsato anshixii iyo masuuliyaddii u saarneyd dowlad wayn ahaan. Falalk khaldan oo ina Salmaan uu ku kacay waxaa kamid ah wariyihii uu miinshaarta ku jar-jaray gudaha qunsuliyadda Sacuudiga ee Turkiya. Waxaa kale oo kamid ah, hubkii Mareekanka uu ka heley in uu u adeegsado dagaalka Yamen.

Madax-waynahan cusub (Joe Biden) wuxuu xayiraad saarey in uu xiriir la yeesho ina Salmaan. Taas beddelkeeda wuxuu doorbidaya inuu la macaamilo aabihiis (Boqor Salmaan), isaga oo ku andacoonaya in Boqor Salmaan uu yahay masuulka ugu sareeya boqortooyada Sacuudiga. Waxaa xusid mudan Joe Biden in uu yahay 80 sano jir, boqorka Salmaan ayaa isna da’diisu tahay 86 sano jir.

Labaduba howlaha dowladnimada oo ay hoggaaminayaan maahan niman awood u leh. Laakiin Joe Biden wuxuu hoggaamiyaa dowlad ay u dhisan yihiin mu’asasaad adag oo hoggaanka waa loo hayaa. Laakiin Boqor Salmaan, wiilkiisa ayaa 100 % hoggaanka weli haya. Sababtaas waxay dhalisey in hakad adag uu soo galo wada-shaqeyntii labada maamul.

Khilaafka waxaa sii cusleeyey laba arimood oo mid ay tahay tanaasulka maamulka Biden uu u sameeyey mashruuca nuklierka ee Iiraan. Mareekanka ayaa doonaya in laga haro heshiisyadii hore ee mashruucan oo ay heshiis cusub la galaan Iiraan, kaas oo Iiraan ay ku heleyso tanaasulaad dheeri ah. Waxaa arintan ka horeysey, xilligii Barack Obama ayaa siyaasadda Mareeknka waxay qaadatay aragti ay ku magacaabeen (The new strategic security in the United States). Waxay ku saleynayeen in laga shaqeeyo nabadda adduunka iyada oo la adeegsanayo kharajka ugu yar ee suurtagalka ah. Fikraddan waxaa laga dhaxley in siyaasaddii Mareekanka ee bariga dhexe in ay u xagliso dhanka Iiraan. Horey ayuu si bareer ah u sheegey Barack Obama markuu yiri: ” Iiraan waxaanu ku eegeynaa in ay tahay awood-goboleed wax-tar leh ”.

Midda labaad waxay tahay Xuuthiyiinta ka dagaalamaya Yaman in Mareekanku uu ka saarey liiska argagixisada. 16-02-2022, iyada oo maamulka madaxweyne Joe Biden uu weli cusub yahay ayuu ku dhawaaqay in kooxdan laga saarey liiskii. Arintaasi waxay dhacaysaa xilli Xuuthiyiintu ay dayuuradaha is-wada ku graacayaan dhisma-hoosaadyada dalka Sacuudiga. Iyada oo xiriirka Mareekanka iyo Sacuudiga uu sidaas u carqaladeysan yahay, ayaa waxaa Yurubta bari ka dillaacay dagaalka Ukrain. Arintaasi waxay dhalisey in uu dibadda u soo baxo khilaafaadka qarsoonaa ee u dhexeeya labada dal. Xiriirkoodii ayaa markaas wuxuu noqday mid dhex-yaacsan msaalixda kala duwan ee fal-celiska u noqdey dagaalkan.

Gaar ahaan xiriirka Sacuudiga waxaa booddo wayn ku kordhiyey booqashad uu dhaxal-sugaha Maxamed bin Salmaan uu kut eget Moosko 18-kii June 2015-ka. Isku soo dhawaanshaha Riyaad iyo Moscow ayaa ku soo beegmaya iyadoo la eegayo is-beddelo caalami ah iyo kuwo heer gobol ah oo laga yaabo inay ugu weyn tahay madmadowga mawqifka Maraykanka ee faylalka Bariga Dhexe, iyo saamaynta sii kordheysa ee Iran ku leedahay dowladaha carabeed ee la deriska ah.

Marka ay xaaladdu sidaas tahay, boqortooyada Sacuudiga ma-dooneyso in ay lumiso saaxiibkeeda wayn ee Mareekanka, kaas oo ay wax badan isaga xiran yihiin. Mdax-adayga ay kala hor-timid Joe Biden oo la xiriira kordhinta shidaalka iyo in ay dhex-dhexaad ka noqoto colaadda Ukrain oo ayan eedeyn Ruushka, waa arimo ay ku gudbineyso fariimo gaar ah. Iyaga oo garanaya qiimaha kaga bixi-kara in ay Ruushka si buuxda ula saftaan, ayay ka dheeraanayaan in ay ku khamaaraan xiriirka Mareekanka.

Laakiin islamarkaas waaxay cayaarayaan siyaasad ay cadaadis ku saarayaan maamulk Joe Biden in uu meesha ka baxo. Iyada oo la ogsoon yahay in odega Biden ah ay hareereysey fadeexad ay suurtagal tahay in uusan xilka dhameysan.

Qore: Dr. Saadiq Enow

Hadalsame Media