Ruushka oo Ukraine ku tijaabin kara gantaalo casri ah oo uu sameeyey dal Muslim ah + Sawirro

0

(Hadalsame) 21 Abriil 2022Warqaadka British-ka ah ee The Guardian ayaa qoraya in Iiraan ay Ruushka qaab tahriibis ah ku siisay hub iskugu jira RPGyo, gantaalaha Brazil iyo midka ay iyadu samaysay ee lidka diyaaradaha ee Bavar 373, isagoo soo xiranaya ilo sirdoon iyo malliishiyaadka Iiraan taageerto ee Ciraaq.

Nidaamka difaaca hawada ee Iiraan ee Bavar 373 wuxuu naqshad ahaan ku salaysan yahay midka Ruushka ah ee S-300, waxay Tehraan horumarintiisa bilowday 2011 iyadoo ciidankeeda ku qalabaysay 2020-kii.

Waayo kaddib burburkii Midowgii Soofiyeeti iyo sanado badan oo cunaqabateyn dhanka hubka ah oo dhanka Galbeedka ka saaran, Tehraan waxay saaxiib dhow ka heshay Moscow.

Marka lagu daro Armenia, saddexda waddan waxay sameeyaan waxa loogu yeero Caucasian Wasp. In kasta oo millateriga Iiraan ay adeegsadaan inta badan agab ciidan oo ay maxalli ahaan u samaysteen ama u maduufikeeyeen, Tehraan waxay sidoo kale sii waddaa iibsashada qaar ka mid ah nidaamyada hubka Ruushka.

Waxaa haatan soo baxaysa in Ruushku uu gantaalkan Iiraan-sameega ah ee Bavar 373 uu ku tijaabin doono dagaalka Ukraine maadaama aan horay loogu isticmaalin dagaal furan.

MUXUU YAHAY BAVAR-373? Sida la sheegay dhanka xogta farsamada iyo sifooyinka la bixiyay, Bavar-373 waa gantaal dhul-ka-cir ah oo uu sido gaari wayn oo 8 sheegle ah kaasoo sida 2 gantaal oo qunux ku jira oo ah nooca qaada madaxyada Sayyad-4 isagoo gaaraya ilaa 300 km.

Sida laga soo xigtey khubarada Iran, habka gantaalkani uma adeego oo kaliya in uu ka hortago diyaaradaha, laakiin sidoo kale wuxuu ku tooran yahay inuu burburiyo gantaalaha baallistigga.

Hadalsame Media