DAAWO: Muran ka taagan salaad uu xalay Muslimiinta la tukadey Madaxweyne Xigeenka Kenya

0

(Nairobi) 21 Abriil 2022 – Sawir muujinaya madaxwene ku xigeenka Kenya iyo xubno kale oo ka tirsan xisbigiisa UDA oo salaad la xirtay Muslimiin ay Soomaali ka mid tahay ayaa dood ka dhaliyay baraha bulshada. Waxaa sawirka kula jira hoggaamiyihii hore ee aqlabiyadda baarlamaanka Kenya Aadan Barre Ducaale iyo masuuliyiin kale oo ay ku jiraan uwa aan Muslimiin ahayn.

Madaxweyne ku xigeenka ayaa xalay kulan afur ah gurigiisa ku yaalla xaafadda Karen ee magaalada Nairobi ugu sameeyay Muslimiinta ku nool halkaas. Inkastoo ay wax caadi ah tahay oo sanad walba bisha Ramadaan la arko siyaasiyiinta Kenya oo kulan afur ah u sameynaya Muslimiinta dalka, haddana waxay dood ka dhalatay in dad aan Muslimiin ahayn ay salaadda la tukadaan Muslimiin.

Muuqaal uu soo dhigay barta Facebook ayaa waxaa laga dheehan karay Ruto iyo siyaasiyiin kale oo Kenyan ah oo safka hore ku jira salaaddana la tukanayan boqollaal Muslimiin ah oo ka soo qeyb galay kulanka afurka.

Halkan ka DAAWO…

Hadalsame Media