”Waa farriin ku socota cadowga!” – Ruushka oo tijaabiyey gantaal 16,000 mayl jaraya saacaddii islamarkaana qaadaya 12 madax oo nukliyeer ah (Daawo)

0

(Moscow) 20 Abriil 2022 – Ruushka ayaa tijaabiyey gantaal cusub oo ah nooca baalistigga ee isaga kala goosha qaaradaha, taas oo sare u qaadaysa cabsida laga qabo in uu sare u kaco dagaalka uu Vladimir Putin uu ka wado Ukraine.

Hoggaamiyaha Ruushka ayaa sheegay in gantaalkan oo la yiraahdo Sarmat, sidoo kale loo yaqaan Shaydaan-2, uu siin doono ‘fursad ay ku fikiraan kuwa isku dayaya inay u hanjabaan Ruushka’ oo uu cadowgiisa ku khasbi doono ‘inay fikiraan laba jeer’.

Tijaabadii ugu horreeysey ayaa maanta laga sameeyay god dhulka hoostiisa ah oo ku yaal garoonka hawada sare ee Plesetsk ee waqooyiga Ruushka, xilli ay xiisaddu sii kacayso kaddib markii Putin uu ku hanjabay adeegsiga hubka Nukliyeerka ah oo uu kaga jawaabayo daandaansiga reer Galbeedka, sida ay u arkaan.

Kremlin-ka ayaa ku andacoonaya in gantaalkan aanu lahayn wax u dhigma isagoo 16,000 oo mayl ku soconaya saacaddii, kaas oo la hormarinayey muddo sanado ah, uu burburin karo dal dhan oo la eg UK, uuna duqayn karo bartilmaameed kasta oo adduunka ah islamarkaana uu qaadi karo 12 madax oo nukliyeer ah.

Waa mid ka mid ah gantaalaha jiilka cusub ee Ruushka kaasoo uu Putin ku tilmaamay ‘kuwo aan la guulaysan karin,’ waxaana sidoo kale ku jira gantaalaa Kinzhal iyo Avangard ee guuxooda ka dheereeya.

Hadalsame Media