Shiinaha oo tijaabiyey gantaal guuxiisa ka dheereeya oo uusan Maraykanku haysan (Daawo)

0

(Hadalsame) 20 Abriil 2022Ciidanka Badda Shiinaha ee Xoogga Shiinaha ee PLA ayaa soo saaray wax u muuqda muuqaalkii ugu horreeyey oo ah gantaalaha xawaaraha sare ee guuxooda ka dheereeya oo laga ridey markab dagaal oo Shiinuhu leeyahay, nooca 055 cruiser.

Falanqeeyaha ciidanka badda H.I. Sutton wuxuu gantaalkan oo uu muuqaalka ka aqoonsaday ku sheegay inuu yahay gantaal guuxiida ka dheereeya oo baalistig ah oo la yiraahdo YJ-21, kaasoo la mid ah CM-401, taasoo ka dhigaysa mid guuxiisa ka dheereeya dhanka duullimaadka dambe.

Ciidamada PLA ayaa sidoo kale sii daayey muuqaal kale oo muujinaya dayuuradda wax duqaysa ee culus ee H-6 oo iyaduna xambaarsan gantaalkan la tijaabiyey.

Gantaalkan oo gaaraya masaafo dhan ugu yaraan 180 mayl ayaa marka hore si joog ah hawada sare u gelaya, isagoo mar ilaa 2 jeer soo geli kara jawiga caadiga ah ee hoose ee ay insaanku ku nool yihiin, isagoo daafadda ligan ee uu kusoo galo kaddib u rogaya mid jiif ah oo leh hab-dhaqaaq is bedbedalaya, taasoo adkaynaysa in la qabto.

Maraykanku hadda ma haysto gantaal u dhigma CM-401. Yeelkeede, Ciidanka Baddu waxay kala shaqaynayaan Ciidanka Lugta Maraykanka nidaamka isku dhaf ah oo ah gantaalaha guuxooda ka dheereeya, Duqaynta Deg degga ah ee Hubka Caadiga ah ee Conventional Prompt Strike (CPS), kaas oo laga tuuri karo dhulka, maraakiibta iyo gujisyada badda hoosteeda mara.

Hadalsame Media