Netflix oo ay godkeeda biyo ugu soo galeen & bilyaaneer kula digtey dhaqan-xumada ay faafiyaan (Saamigooda oo dhulka galay)

0

(Hadalsame) 20 Abriil 2022 – Saamiyada Netflix ayaa sameeyey hoos u dhicii ugu waynaa tan iyo bilowgii cudurka Covid kaasoo ah 25% kaddib markii ay shaaca ka qaaday inay lumisay boqolaal kun oo macaamiil ah sanadkan – taasoo keentay in sanado badan oo ay ku socotey koror aan kala go’a lahayn uu hakad ku yimaado dib u socodna uu bilowdo.

Camaaliqadan filim tebinta ka xoolaysatay ee Maraykanka ah, ayaa hoos u dhacay ilaa 200,000 oo macaamiil ah intii lagu jiray bilihii Janaayo-Maarso, shirkaddu waxay taa ku qiratay warbixinta saddex biloodlaha ah oo la sii daayay Talaadadii shalay – waxayna hadda saadaalisay khasaare dhan 2 milyan oo doollar oo kale inta lagu jiro bilaha Abriil-Juun.

Isaga oo ku camiranaya shirkaddan fadhigeedu yahay California kaddib markii ay daabacday khasaaraheeda, bilyaneerka Tesla ee Elon Musk ayaa wuxuu yiri: ‘Fayraska maskaxda Woke ku kacay ayaa ka dhigaya Netflix mid aan la daawan karin’ isagoo tixraacaya waxa loo yaqaan Woke Culture oo ah in waxyaabo badan oo saqajaannimo ah ummada caadi looga dhigo laguna dhex faafiyo, taasoo ay Netflix door aad u wayn ka qaadato.

Netflix waxay sheegtay in kobacii Covid uu ‘abuuray buuq badan’ wuxuuna ku eedeeyay hoos u dhaca ku yimid ku soo laabashada caadiga ah kaddib laba sano oo handaraab ah. Waxa ay sidoo kale ku eedaysay wadaagista furaha sirta ah (password) in ay sabab u tahay kororka akoonnada la kansalay, iyada oo lagu qiyaasay in ku dhowaad 10 milyan oo qoys oo adduunka oo dhan ihi ay lacag la’aan ku daawanayaan adeeggooda iyaga oo isticmaalaya akoonka saaxiib ama xubin kale oo qoyska ka tirsan.

Shirkaddu waxay hadda bilowday tijaabinta habab kala duwan oo lagu xakameynayo wadaagga furaha sirta ah oo laga bilaabay dalalka Chile, Costa Rica iyo Peru – waxaana la gaarsiin doonaa meel kale haddii ay tillaabadani guuleysato. Madaxda Netflix waxay sidoo kale ka fikirayaan inay adeegga u beddelaan mid dadka laga qaado ujro jaban oo lacagta hoos loo dhigo balse lagu soo kordhiyo xayeysiisyo.

MEELAHA KALE EE AY DAADADKU KASOO ROGMADEEN – Netflix ayaa sidoo kale sheegtay in suuqa ay hadda ‘ku ciriirinayaan’ oo ay kor u kacday tartanka ay adeegyadoodu wajahayaan waxaana yimid Disney +, Apple TV, Now TV, Warner Bros Discovery iyo Paramount, dhibaatada-nololeed ee qaaliga ah ee haysata dadka Maraykanka, Kanada iyo Galbeedka Yurub, iyo go’aankeeda ay ku joojisey baahinta Ruushka kaddib duullaankii Putin ee Ukraine bishii Febraayo.

Hadalsame Media