”Guutada Somalia waxay u socotaa Azovstal” – Daawo weerar hor leh oo ka dhan ah magaalada go’doonsan ee Mariupol

0

(Hadalsame) 20 Abriil 2022 – Bog taageera duullaanka Ruushka ee Ukraine oo la yiraahdo “Nolol ogolow ee adna noolow”, ayaa soo bandhigay muuqaalka Batalyanka caanka ah ee Somalia oo ka dagaallama Bariga Ukraine.

Wuxuu muuqaalka oo ay ka muuqdaan ciidamo ku hubaysan tawaangi fara badan uu ku dul qoray: ”Guutada “Soomaaliya waxay u socotaa Azovstal”.

WAA MAXAY AZOVSTAL? Waa wershad birta shubta oo ku taalla Mariupol oo ah magaalo hareeraysan. Dalka Ruushka ayaa shalay soo saaray digniin kama dambayn ah oo la siiyey Ciidanka Ukraine iyo kuwa shisheeyaha ah ee weli ku jira wershadda birta ee Azovstal oo ku taalla magaalada Mariupol kuwaasoo la faray inay dabka dhigaan muddo 2 saacadood gudohood ah oo is dhiibaan haddii ay nolol doonayaan, waloow ay shalay soo baxayeen warar kale oo sheegaya in loo kordhiyey iyadoo la gaarsiiyey ilaa 14:00 maanta oo Arbaco ah, sida ay saraakiishu ku sheegeen war kasoo baxay shalay.

Wasaaradda Gaashaandhigg Ruushka ayaa shalaytoole ugu baaqday ciidamadan inay kasoo baxaan wershadda birta inta u dhaxaysa 1400 iyo 1600 waqtiga Moscow (1100 iyo 1300 GMT) ‘iyaga oo aan sidan wax hub iyo rasaas ah’.

Ciidamada Guutada Somalia ayaa haatan u muuqda inay weerar ku yihiin magaaladan istaraatijiga ah ee Mariupol oo ku taalla Badda Madow islamarkaana ay ku taallo wershadda Metallurgical Combine Azovstal oo ka mid sharikaadka birta shuba ee ugu ballaaran Ukraine iyo Yurub.

”Guutada Somalia” ayaa ka dagaallanta Gobolka Donbas ee Bariga Ukraine waana fallaago asal Ruushan ah oo goosi goosad ah islamarkaana taabacsan Ruushka oo lid ku ah Ukraine oo ay ka tirsan yihiin.

Hadalsame Media