FALANQAYN: Sida aanay Somalia marna u caawin doonin siyaasadda cusub ee ”Ciyaal Wirifaynta”

0

(Hadalsame) 20 Abriil 2022 – Qof kasta waa yaqaannaa micnaha Ciyaal Wirifka, waa dhallinyaro magaalooyinka lagu arko oo koox koox isu eryada, balse aan lahayn wax ujeeddo ah oo micne leh oo intaa dhaafsiisan iyo qaddiyad wax ku ool ah oo eryadkaa ka dambeeya.

Haatan, waxaan ka hadlaynaa dhaqankaas oo galay siyaasaddii dalka, tibix siyaasadeed cusub oo aan u bixiyey ”Siyaasadda Ciyaal Wirifaynta”, taasoo ku dhisan go’aamo iyo tillaabooyin laab la kac ah, xukunno soo booddo ah iyo tixgelin la’aan ku saabsan wadciga dalka, dhibkii lasoo maray, wixii keenay, faham la’aan iyo isku xirid la’aan cawaaqibka ka imanaya fal kasta.

Siyaasaddan oo aad u hirgashay 5-tii sanadood ee lasoo dhaafay ayaa waxay ku dhisan tahay in wax kasta laga eego hal dhinac iyadoo aan marna la eegaynin sida ay dadku arrintaa u fahmayaan, sida ay u dilayso sharciyadda nidaamka laftiisa iyo xitaa garashada guud.

Waxaa sii dheer, in tillaabooyinkaa qar iska xoornimada ah marka la qaado ay dhinacyada kasoo qayliyaan dad kharashaad lagu howlgeliyey markii horena aan micne iyo mabda’ ay u taagan yihiin aanu jirin oo baraha bulshada la dhex taagan ”sax weeye, sax weeye” aan sida ay sax ku tahay xitaa dadka la deeqsiin karin ama laga dhaadhicin karine caay iyo aflagaaddo aan soconayn lagu hirgelinayo.

Tusaalaha ugu wanaagsani waa tillaabada ugu dambaysa, waa muranka haatan taagan ee la yiri Maxkamad baa la gaynayaa kiiska xeer jajab siyaasadeed dadban oo aan markii horeba sharciga lagu dabiqin loona eegin.

Xusuusnow, kaba hadli mayno in kursiga Fahad Yaasiin uu xalaal yahay iyo in kale waloow aan ognahay inaan la marin nidaam toosan, furan oo hufan, balse qaar kale ayaa isla noocaas kusoo baxaya lana socodsiiyey, haddii uu dembi galayna qaar kale ayaa la eedaysan sidaa darteed, nidaamka wax saxaya laftiisu halbeeg sugan ma laha.

Yeeleede, waxaan se ka hadlaynaa oo iyaduna wax lagu qoslo ah fool adaygga ku dhisan garasho la’aanta iyo tixgelin la’aanta garaadka ummadda ee hadda noo sheegaya in dalka uu garsoor iyo sharci la isku dacwayn karaa ka jiro, kaddib wixii sharciga lagu tumanayey muddo 5 sanadood ah.

Waxaa kasii daran, in Maxkamadda shalay fariisatay iyo kuwa kale ee ka hooseeyaa aysan ilaa haatan ummadda waxba ka dhihin kiiska aan weli la xallin ee Ikraan Tahliil oo ay u eedaysan yihiin rag uu ugu horreeyo isla Fahadka haatan dacwoonaya.

Sharcigu hal-jidle ma ahane hal il uun leh ma ahane soow ma habboonayn in ummadda laga yara xishoodoo horta la gar baxo kaddibna la garramo?

Gunaanadkii, waxa ugu wanaagsan ee ay Maxkamadda Sare iyo guud ahaanba garsoorka kale maanta isku badbaadin karaan waa inay ka gaabsadaan siyaasad geela dalka ee ku dhisan mabaa’diida ciyaal wirifaynta, si aannu ugu yaraan ugu doodno in aanu dalku lahayn garsoor gacan leh oo wax goyn kara, kiiskanina kumaba sii jiro oo waa xeer jajab siyaasi ah oo aan markii horeba sharci ku dhisnayn. Wax aan horay laga toosin gadaal kama tis qaadaan.

Dhanka kale, Somalia oo ah dal ay dagaallo sokeeye aafeeyeen waxa ugu dambeeya ee uu u baahan yahay waa siyaasado ku dhisan maangaabnimo iyo go’aamo hanfad ah oo aan ku dhisnayn fiiro iyo fikir fadhiya, si ummadda loo mideeyo kalsoonidii ay nidaamka ku qabeenna loosoo celiyo waa in la helaa siyaasad aan ahayn middan Ciyaal Wirifka.

Waxaa Qoray: Maxamed Xaaji

Hadalsame Media