DF Somalia oo weli ku dheggan sharci ay dhib wayn ku qabaan qurba-joogta Soomaalidu

0

(Muqdisho) 20 Abriil 2022 – Dowladda Soomaaliya ma loo sheegay in wadammo badan oo caalamka ay ka kaaftoomeen baaritaanka COVID19 nuuca PCR oo haatan bilaa PCR uu qofku u duuli karo ama ka degi karo garoonkuu rabo haddii uu ugu yaraan 2 tallaal qabo iyo baaritaanka deg degga ah ee Rapid Antigen Test ee lacag la’aanta ah.

Qoysas badan oo Soomaaliyeed oo iyaga iyo carruurtooda dalxiis ku tegi lahaa Soomaaliya ayaa waxaa culeys ku ah 150-ka dollar ee qofkiiba lagu marsiiyo baaritaanka PCR-ka.
Tusaale qoyskii 5 carruur iyo Hooyadood ka kooban haddii 150 dollar PCR ah laga qaado waxay noqonaysaa 900 oo dollar waxaa u sii dheer 1000 dollar oo ah tikidhka qof walba, taasoo iyadana noqonaysa 6,000 oo dollar.

Soomaaliya waa inay ku dayataa deriskeeda iyo ceelamka oo ay joojisaa dadka ay weydiinayso PCR test laga gudbay.

W; D: Yaxye Y. Khasaaro

Hadalsame Media