DEG DEG: Maxkamadda Sare oo iska diiddey inay go’aamiso kiiska Kursiga Fahad Yaasiin

0

(Hadalsame) 20 Abriil 2022 – Maxkamadda Sare ee Somalia ayaa iska diiddey inay go’aamiso kiiska kursiga Fahad Yaasin ee dhowaantan la gaarsiiyey.

Maxkamadda ayaa tillaabadan u cuskatay inaysan awood garsoor u lahayn go’aaminta dacwaddan, maadaama ay salka la geleyso xeer jajab siyaasi ah oo aah xeer toos ah ku dhisnayn iyadoo gebi ahaanba xirtey gal-dacwadeedka Kursiga Fahad.

Sidaa darteed, maadaama ay dadban tahay doorashada Somalia Maxkamadda Sare awood sharci ah uma laha inay wax ka qabato dacwooyinka maamul iyo kuwa hab-raac ee kuraasida Baarlamanka 11-aad ee dalka, sida ay Maxkamaddu ku doodday.

Fahad Yaasiin oo ay Guddiga Heer Federaal ee Doorashooyinku ay laaleen kursiga HOP086 oo uu sheegay inuu ku guulaystey, ayaa dacwaddan geeyey Maxkamadda Sare, isagoo qabey rajo ahayd inay wax uun u xugmin kari doonaan, waloow ay marleeyba adkaan lahayd in go’aankaasi hirgalo.

Arrintan ayaa markii horeba la yaab lahayd, waayo marka laga yimaado inaan sharciba loo eegi karin doorasho dadban, misna caadiyan dacwooyinku kama bilowdaan Maxkamadda Sare ee waa ku dhamaadaan.

Hadalsame Media