“Ciidamada Shiinaha ayaa gantaallo ku garaacay bartilmaameedyo u dhow Taipei” – TV ku yaalla Taiwan

0

(Taipei) 20 Abriil 2022 – Nidaamka Telefishanka Shiinaha (CTS), oo ah TV ay dawladda Taiwan taageerto, ayaa soo saaray raalligelin rasmi ah kaddib markii ay si khalad ah u faafiyeen digniin ku saabsan in Shiinuhu gantaalo ku garaacay bartilmaameedyo u dhow Taipei.

Digniintan ayaa soo muuqatay xilli si toos ah loo tabinayey warkii subaxnimadii Arbacada maanta, iyadoo digniinaha la sheegayo ay muujinayeen in “dagaal uu qarxi karo,” iyo sidoo kale in Madaxwaynaha Taiwan, Tsai Ing-wen, ay ku dhawaaqday xaalad degdeg ah.

Sida laga soo xigtey warbaahinta maxalliga ah, daawadayaasha ayaa sidoo kale lagu wargeliyey in gantaalaha Shiinaha ee lagu garaacay maraakiibta dagaalka iyo kaabayaasha muhiimka ah ee Taiwan ee agagaarka caasimadda, Taipei.

Si kastaba ha ahaatee, war aqriyihii subaxnimada ayaa caddeeyey in intii lagu jirey warka 10-ka subaxnimo in digniintan dhab ahaantii loogu talagalay dhoollatus diyaar garow gurmad ah oo ay Waaxda Dabdemiska ee Magaalada New Taipei samaysay Talaadadii.

Yeelkeede, si lama filaan ah loo soo bandhigay subaxnimadii Arbacadan oo TV-ga laga sii daayey cillad farsamo awgeed.

Waxay sidoo kale ugu baaqday muwaadiniinta inaysan “u baqin si xad dhaaf ah”, waxayna raalligelin ka bixisay khaladkii dhacay.

Ogeysiiskan beenta ah, ee laga sii daayey hilinka CTS ee dad hawada loo marsiiyey kama uussan dhalin argagax wayn gudaha Taipei, sida ay sheegtay Reuters.

Hadalsame Media