Ciidamada Ruushka oo ay tacaalo ka raacday dhego telefoon oo ay bililiqaysteen (Tillaabo uu qaaday ninkii lahaa)

0

(Kyiv) 20 Abriil 2022 – Nin reer Ukraine ah ayaa halka ay joogaan Ciidamo Ruush ah wuxuu ku ogaanayey joog dhegaha telefoonka ah ee bilaa xarigga ah (Wireless AirPods) oo ay gurigiisa ka bililiqaysteen.

Vitaliy Semenets ayay ciidamadani ka qaateen Apple AirPod oo yaalley gurigiisa oo ku yaalla Hostomel, oo ah magaalo u dhow caasimadda Kyiv, halkaasoo ay Ruushku qabsadeen in yar kaddib markii uu dagaalku bilowday si ay u qabsadaan caasimadda.

Waxa uu tan iyo markaas isticmaalayey Find My – oo ah muuqaal goob-raadinta loogu tala galay oo laga heli karo dhammaan badeecooyinka Apple – si uu u raaco ciidamadii ka xaday oo sameeyey dib u gurasho 550-mayl oo ay uga bexeen dalka oo dhan.

Markii askarta Ruushka ay dib uga soo laabteen Kyiv bishaan, Mr Semenets waxa uu dhagaha telefoonkiisa kula socdey meel kasta oo ay marayeen ilaa ay tagaan Belarus, meel u dhow magaalada Gomel.

Todobaadki hore AirPods-kan oo qiimaheedu dhan yahay £200 oo gini – waxa uu gaaray Belgorod, oo ah magaalo ku taal dalka Ruushka halkaas oo Putin uu ku ururinayo ciidamo weerar ku qaada bariga Donbas ee Ukraine.

Mr Semenets waxa uu boggiisa Instagram-ka soo dhigayey xogo cusub oo ku saabsan safarka dhegihii telefoonkiisa oo uu sheegay inay ka dheceen ‘orcs’ Ruushku – orcs waa bahalka khayaaliga ah ee ku jira film-ka Lord Of The Rings oo ay dadka reer Ukraine hadda u adeegsadaan Ruushka.

Muuqaalka Apple ee Find My app wuxuu ku raadin karaa aaladaha maqan isagoo isticmaalaya Bluetooth ama haddii aaladda maqan lagu xiro internet-ka.

 

View this post on Instagram

 

A post shared by Vitaliy Semenets (@vitaliysemenets)

Hadalsame Media