”Waa tacaddi kas ah!” – Dalkii 2-aad ee Muslim ah oo Sweden ku cambaareeyey kitaab gubista ay ogolaatay

0

(Hadalsame) 19 Abriil 2022 – Sacuudi Carabiya ayaa cambaareysay  xadgudubyada ula kaca ah ee loo geysanayo Qur’aanka Kariimka ah, taasoo ay ku tilmaantay daandaansi iyo kicin ka dhan ah Muslimiinta oo ay wadaan qaar ka mid ah xagjiriinta Sweden.

Wasaaradda Arrimaha Dibedda ayaa bayaan ay soo saartay ku sheegtay in Boqortooyada Sacuudigu ay adkeyneyso muhiimadda ay leeyihiin dadaallada wadajirka ah ee lagu faafinayo qiyamka wada-hadallada.

Sacuudi Carabiya ayaa sidoo kale ku nuuxnuuxsatay sida ay lagama maarmaanka u tahay in la faafiyo dulqaadka, wada noolaanshaha, ka tanaasulida nacaybka, xagjirnimada, iyo sooca, iyo kahortagga xadgudubyada dhammaan diimaha iyo goobaha barakeysan.

Waxaa xusid mudan in koonfurta Sweden ay ka dhaceen rabshado xoogan oo ka dhashay isu soo bax ay dhigayeen dhaq dhaqaaq ka dhan ah soo galootiga iyo qaar Islaam naceybka ku sifoobey oo uu hoggaaminayo Rasmus Paludan oo haysta dhalashada dalka Denmark kaasoo kusii dhawaaqay in la gubayo kitaabka Qur’aanka Kariimka ah.

Paludan ayaa booqasho ku tegey dhowr magaalo oo Sweden ah gaar ahaan isagoo beegsanayey xaafadaha ay Islaamku ku badan yihiin.

Ninkan oo haatan sheegay inuu hakinayo dhaqan xumada uu Sweden ka wadey ayaa Nofember 2020, waxaa xirey oo misna musaafuriyey Faransiiska, halka Belgium ay diiddey inuu usoo galo iyadoo xirxirtey 5 gayfane oo ay ku eedeeyeen “inay nacayb faafinayaan.”

Hadalsame Media