Dalka Maraykanka oo kasoo jawaabey farriintii digniinta ahayd ee uu Ruushku gaarsiiyey

0

(Washington, DC) 19 Abriil 2022 Aqalka Cad ee looga arrimiyo Maraykanka ayaa dhinac iska dhigay walaaca ka dhashay cabasho rasmi ah oo ka timid Ruushka, oo la sheegay in loo diray Maraykanka kaddib markii Washington ay ku dhawaaqday xirmooyin hub ah oo ku kacaya 800-milyan oo Doollarka Maraykanka ah oo ay siinayaan Ukraine.

Xoghayaha Saxaafadda ugu qaybsan Aqalka Cad oo ka dhigan Afhayeenka Dowladda Maraykanka, Jen Psaki, ayaa u muuqatey mid farriinta ku tilmaamaysa “hanjabaad maran” intii lagu jirey xog-siinteeda saxaafadda.

Psaki ayaa wax laga weydiiyey digniinta, taas oo la sheegay in Moscow ay ku xustay in tillaabada Washington ay ka dhalan karto “cawaaqib aan la saadaalin karin” dhanka sii wadida hubaynta Ciidamada Ukraine ee sii kordhaysa iyadoo ay Washington dhiibayso hub waawayn, sida ku cad farriinta Ruushka ee la diray todobaadkii tegey.

“Ka faalloon mayno. Waxaan ula jeedaa, ma doonayo inaan sii tuhmo hanjabaad maran ama hanjabaado ka iman kara Madaxwayne [Vladimir] Putin ama hoggaanka Ruushka.” ayay Psaki u sheegtay suxufiyiinta.

Waxay intaas ku dartay in kaalmada Maraykanka ee Ukraine ay sii socon doonto, sida uu ballanqaaday Madaxwaynaha Maraykanka Joe Biden. Saraakiil kale oo Maraykan ah ayaa bayaan kaa la mid ah sheegay todobaadkii hore.

The letter from Moscow accuses NATO of pressuring Ukraine to abandon negotiations with Russia “in order to continue the bloodshed,” and condemned Washington for encouraging more arms supplies, according to media reports. Neither Washington nor Moscow have confirmed them.

Warqadda ka soo baxday Moscow ayaa ku eedaysay NATO inay ku cadaadinayso Ukraine inay ka baxdo wada xaajoodka Ruushka “si loo sii wado dhiiga daadanaya”, waxayna ku cambaaraysay Washington inay dhiirigelisey bixinta saadka hub badan oo hor leh, sida ay sheegtay warbaahintu. Washington iyo Moscow midkoodna ma xaqiijin arrintaasi.

Hadalsame Media