Laba arrimood oo la dhaliilay oo maanta ka dhacay kal-fadhigii Baarlamanka

0

(Hadalsame) 18 Abriil 2022 – Xildhibaan Cabdullaahi Faarax Mire oo kamid ah mudanayaasha Puntland laga doortay ayaa ka hadlay 2 arrimood oo lagu carqaladayn kari lahaa kal-fadhigii Baarlamanka ee maanta.

“Labada isku day ee la damcay in lagu hakiyo geedi-socodka doorashada dalka waxa ay kala yihiin:

1 – Bil cibaado ayaa lagu jiraa ee golayaasha fasax ha galeen! Jawaabta marmarsiyahaana waxa ay noqotay: Bishaani waa bil shaqo iyo jihaad loogu hiiliyo xaqa, jihaadka u weyn ee xildhibaanada maanta horyaalana waa in la suurta galiyo dalka in ay doorasho ka dhacdo, maantana doonitaanka xildhibaanada ee hawshaa ku aadan ayaa hirgalay, doorasho in ay dhacdo ayaana loo ballansanyahay Insha ALLAH.

2 – Cabsi galin iyo khalkhal amni oo la abuuro, isna waa isku day kale oo doorashada la rabo in lagu hakiyo tareenkeedana lagu joojiyo.

Hawl-wadeenada golaha shacabka ee ku dhaawacmay hoobiyaashii maanta golaha lala beegsaday ALLAH ha u booga dhayo. Isku daygaasna jawaabtiisu waa hirgalinta jadwalka doorashada guddoonka labada aqal ee baarlamaanka JFS”.

Hadalsame Media