Haddii qodobbadani ay run yihiin waxaan ku talinayaa in markale Farmaajo la doorto

0

(Hadalsame) 18 Abriil 2022 – Xildhibaanow Farmaajo dhawrkan qodob ku dooro, Maashaa allaah.

Ilaahay amarkii weligay miyaad iga maqasheen anigoo leh Madaxweyne Farmaajo ayaan u ololaynayaa si uu dib ugu soo noqdo, haddaba maanta Farmaajo qofkii ay kulmaanba wuu ka soo dhex hadlaaye , annagu maanu kulmin, haddana waanigan ku leh xildhibaane qodobadan ku dooro, ee u ololaynaya, Maashaa allah.

1. Dalka Doorasha ayuu ka qabtay madaxweyne Farmaajo markii ay afartiisii sano dhammaandeenba, ilaahay amarkii oo wax khilaafaad ahi ma dhicin.

2. Qaraxii ayuu joojiyey markii uu xukunka yimiba, maalintii uu xukunka qabtay ilaa maanta oo aynu afarsano wax ka yar ka joogno dhawr qarax ayaa dhacay, guryihii ku waxyeeloobayna markiiba xukuumadaa dhistay.

3. Ciidan xoog badan ayuu dhisay oo uu dalka oo dhan ku xoreeyey, qofka Muqdisho ka baxa Baladweyne nabad galyo ayuu ku tagaa, madaxweynuhu dhawr jeer ayuu tagay Balcad iyo Jawhar isagoo gaadhi kaligii wato, Muqdisho iyo Baydhabo ilaa Xuddur waa laysaga socdaa si nabad galyo ah, Bu’aale iyo Baraawena waa laysaga gudbaa, intaaba ciidanka uu dhisay Farmaajo ayaa sifeeyey.

4. Suuqa Bakaaraha guulaha xukuumadda Farmaajo ka gaadhay cashuurta kaligood ayaa ka qaada, Alshabaab iyo Daacish shillin kama qaadaan.

5. Magaalada Muqdisho safaaraduhu waxay soo degeen xilligan Farmaajo Waddada Maka Almukarama, Safaaraddaha Maraykanka, Ingiriiska, Faransiiska, Sucuudiga iyo Qatar waxay calamadoodu ka lushaan waddada weyn ee Maka Almukarama, dhawr jeer anigaaba arkay Safiirka Maraykanka oo kaligii socda oo kafay ka cabbaya makhaayad ku taala halkaas.

6. Qalbiga Dhagax xilligii Xasan Shiikh Maxamuud ayaa Gabre loo dhiibay, Madaxweyne Farmaajo waa ninka ciidamo kamaandaws ah inta u diray oo xabsiga Itoobiya kala soo baxay, qabkii iyo waddaaniyadii isaga oo kor u qaadaya ka gadaalna ONLF na guddoonsiiyey billadda geesiyada ee Soomaaliya ugu saraysa, ma ogtahayse ONLF in Farmaajo ka saaray liiska argagixisada markay xukuumadihii ka horeeyey ku tilmaameen argagixiso.

7. Waa hoggaamiyaha iyada oo lagu khasbayo in uu muddo xileedkiisa korodhsado diiday ee ciidan u dumay si uu u kala caydhiyo dadkii ku khasbayey in uu korodhsado, isagoo u hiilinaya sharciga.

8. Waa madaxweynaha aan weligii qof ay is dhaarsadeen aan dhaartii kaga bixin, ee ninkay is dhaarsadeen kolkii ay dhaartii isla fuliyeen uu qofkaasi Farmaajo u duceeyey.

9. Waa madaxweynihii ugu horeeyey ee afartii sano ee uu xilka hayey ku badatay ee qayb soo celiyey.

10. Waa madaxweynaha xilligiisii nabad sugida dalku sarkaalad ka tirsanayd oo Ikraam la yidhaahdo inta dalka Kenya lagu afduubay, degdeg u ogaaday halka ay joogto iyo cidda haysata, muddo 48 saacadood ahna ku soo heshay, oo dib uga soo ceshaday cadowgii afduubay, reerkoodiina dib ugu soo celiyey iyada oo nabad iyo caafimaadba qabta,sirdoonka Soomaaliya ee NISA-na hawlgalkaa cajiibka ah lagu siiyey bilad caalamiya, sidaana sirdoonka Soomaaliya ku noqday kan ugu horeeya sirdoonada Afrika, waxay hadda bixiyaan casharo iyo tababaro caalamiya, Ajnabi badana wuu ka aflaxay, waxaa ugu danbeeyey oo ay gacanta ku soo dhigeen nin Maxamed Maahir lagu magacaabo isagoo falal danbiyeed gacanta kula jira , oo uu doonayey in uu diloba madaxweynaha iyo Raysal wasaaraha, Maahir hadda xabsiga ayuu ku jiraa waa maxkamad suge.

11. Shirkadaha waa weyn ee caalamiga ahi waxay dalka ku maalgashadeen ku dhawaad 20 Bilyan, iyagoo fulinaya mashaariic waa weyn, ka dib markii labadii sano ee muddo xileedka Farmaajo lagu soo afjaray Alshabaab.

12. Wadahadalka “Somaliland” iyo Federaalka Soomaaliya halkii ugu wanaagsanaa ayuu Farmaajo gaadhsiiyey, intay bilaabmeen xilligii Shiikh Shariif, iyo xilligii Xasan ba guulaha laga gaadhay labada dhinac malab iyo subag ayey isku ahaayeen, horumar weyna waa laga gaadhay.

13. Wuxuu kaga dhabeeyey in ay xilka iyo xilligaba wada dhamaysanayaan Raysal wasaarihiisa, waa madaxweynaha kaliya ee ay hal Raysal wasaare xilkii wada dhamaysteen, oo aan weligii Raysal wasaare kale magacaabin, waa madaxweynaha kaliya ee aan laba bilood raadin Raysal wasaare. Waa madaxweynaha aanay isu tirin Raysal wasaarihiisa iyagoo waraaqo is diidan iska soo daba saaray, weligiina may kala shakiyin RW, xafiisyadana iskamay xidhan, ciidamana isuma adeegsan.

14. Waa madaxweynaha Daatuurkii qabyada ahaa ee xukuumadihii ka horeeyey dhamays tiri kari waayeen, isagu ku dhamays tiray muddo laba sano ah.

15. Waa madaxweynaha dhisay maxkamada sare ee Dastuurka ee ay dhisi kari waayeen xukuumadihii ka horeeyey.

16. Waa madaxweynaha kaliya ee hanti dhawrka guud ee dalku siiyey shahaadada musuqmaasuq la’aanta, markii dhaqaalihii dalka si wanaagsan loo maareeyey, Soomaaliya kaga baxday kaalintii ay kaga jirtay Musuqmaasuqa caalamka.

17. Waa Madaxweynaha aanay xukuumadiisu waligeed Baraha bulshada dhaqaale ku bixin si looga ammaano.

Xildhibaan qodobadaa iyo kuwo kale oo badan oo akhtistayaashu ku dari doonaan ku dooro Madaxweyne Farmaajo si aynu badhaadhe u gaadhno.

Waxaa Qoray: Asad Ibraahim Caddaani

FG: Qoraal kasta wuxuu ka tarjumayaa aragtida qoraha ku saxiixan

Hadalsame Media