DAAWO: Xildhibaanno caddaystay inay doonayaan inay doorashadu jiitanto oo hadlay & xeelad loo degey (Ilaalo dhaawacantay)

0

(Muqdisho) 18 Abriil 2022 – Waxaa maanta Villa Hargaysa ku qabsoomay kulankii 2-aad ee ay yeeshaan Xildhibaannada cusub ee Baarlamanka 11-aad, waxaana miiska saarnaa 2 ajende oo kala ahaa miisaaniyadda doorashada iyo jadwalka doorashada.

Waxaa bilowgii cod loo qaaday miisaaniyadda islamarkiiba waxaa la guda galay jadwalkii oo isaga la aqriyey kaddibna ay iska bexeen Gudoonkii markii jadwalkii lagu dhawaaqay, iyadoo ay jiraan xildhibaanno yar oo sida muuqata doonaya in la caga jiido doorashada oo awalba horay u daahday oo goobta ka hadlay.

Waxaa doorashada Baarlamanka la kala qabanayaa: 26-ka Abriil waa Aqalka Sare, halka maalinta xigta ee 27-ka Abriil la dooran doono Aqalka Hoose.

Waxaa Xildhibaanada diiddan ee weliba guddoonka woxoogaa qadaf ah u gaystey ka mid ah Xildhibaan Jeesow oo weerar toos ah ku qaaday Guddoonka iyo qaar kale. Hoos ka DAAWO…

Dhanka kale, waxaa hoobiye lagu weeraray kulankii Baarlamanka iyadoo Cabdiraxmaan Cabdishakuur oo ka mid ah Xildhibaannada cusub oo kulankiisii ugu horeeyey ayuu maanta tagay, uu Shabelle u sheegay in labo kamid ah ilaaladiisa ay ku dhaawacmeen madaafiicda ku dhacday iradda Xarunta Villa Hargaysa.

Si kastaba, waxaa khalad iyo meel ka dhac ku ah ummadda in doorashada oo dib u dhacday sanad iyo ka badan ay ragga qaarkood ummadda lasoo hor istaagaan maxaa loo dedejinayaa?

Hadalsame Media