“Waa in aanu garsoorka dalku u dhiman kursi xildhibaan loo raadinayo”

0

(Muqdisho) 17 Abriil 2022 – Siyaasiga Axmed Macallin Fiqi oo aalaaba ka mid ah siyaasiyiinta sida aadka wax u mucaarada ayaa garsoorka dalka oo awalba cilladaysnaa uga digey inay ku milmaan siyaasadda.

Fiqi ayaa qoraal uu soo gudbiyey ku bilaabay sidatan: “Boorsada guurguurta ee laaluushka dalka lagu qarribay uu ku jiro maalinba meel bay joogtaa, waxaa sumcadda looga soo diley hey’adihii amniga oo dano Shakhsi ah lagu fushaday, waxaa hawlgab looga dhigey hey’addii barlmaanka.

“Maantay waxaa la gorgorinayaa hay’addii garsoorka oo la ogaan doono in ay la dhimato kursi Barlamaan iyo in ay ka badbaado.

“Garsoorka waxaa hogaamiya rag dhallinyaro aqoonyahan ah, maxkamadaha dalkana waxaa la soo gaarsiiyey meel wanaagsan oo ay tahay in horay loo sii socda, laakin waxay marayaan imtixaan adag oo kalsoonidii yarayd iyo rajadii lagu qabay meesha ka saari doonta

“Waa haddii ay u hogaansamaan laaluushka xafiisyadooda dul heehaabaya kaasoo lagu raadinayo in ay soo saaraan go’aan dhinac u raran oo ay ka gaaraan kursi qaab doorashadiisa muran badan ka taagnaa (HOP#086).” ayuu ka digey Fiqi.

Si kastaba, maadaama ay doorashadu tahay mid dadban maba jirto meel uu garsoor kasoo heli karo.

Hadalsame Media