Dal Muslim ah oo sameeyey qalab maraakiibta dagaalka siinaya digniin ka caawinaysa inaan la kedin

0

(Hadalsame) 17 Abriil 2022 – Soonaarkii ugu horreeyay ee ugaarsada miinada ee uu Turkiga u sanceeyo oo la yiraahdo Nusrat-1915, ayaa lagu wadaa in la siiyo Talisyada Ciidamada Badda ee dalkaasi rubuca saddexaad ee sanadkan 2022.

Waxaa soonaarkan lagu sameeyay naqshad waddani ah oo ay samaysay shirkadda agabka difaaca ee Armelsan, Nusrat-1915 waa soonaar firfircoon oo awood u leh in uu ogaado oo uu kala saaro miinada nooca sabbaysa ee badaha iyo tan dhulka hoostiisa la geliyo.

Maamulaha guud ee Armelsan, Can Emre Bakım, ayaa u sheegay wakaaladda Anadolu Agency (AA) in shirkaddu ay mashruucan ka shaqaynaysey muddo 10 sano ah si loo soo afjaro ku tiirsanaanta shisheeye ee Ciidamada Badda Turkiga ee ku tiirsanaanta hababka biyaha hoostooda wax looga ogaado gaar ahaan soonaarrada.

Waxa uu tilmaamay agab kale oo ka mid ah alaabta Armelsan, waana Aras 2023 Diver Detection Sonar oo sheega wixii badda quusa, Bakım wuxuu sheegay in nidaamkan loo isticmaali doono in lagu ilaaliyo maraakiibta dagaalkaTurkiga gaar ahaan midka berri-biyoodka ah ee TCG Anadolu oo lagu wado inuu howgalo dabayaaqada sanadkan.

Nusrat oo soonaarkan loogu magac daray micne wayn ayuu ugu fadhiyaa Turkiga waayo waa markabkii guusha u keenay Turkiga Dagaalki 1-aad ee Adduunka ee Nusrat-1915, waxaana soonaarkani uu miinooyinka xiran iyo kuwa sabbaynaya ka arki karaa qiyaastii 1 km (0.62 may).

Turkiga ayaa todobaadyadii ugu dambeeyey dhowr miino kasoo saaray Badda Madow taasoo ah arrin lala xiriirinayo dagaalka u dhexeeya laba dal oo kale oo qaaqama baddaasi; Ruushka & Ukraine.

Hadalsame Media