“Somaliland waxa ka soo baxay dad aad mooddo in abidkood lagu guumaysan jirey!”

0

(Hadalsame) 16 Abriil 2022 – Somaliland waxa ka soo baxay dad aad mooddo in calooshii hooyooyinkood lagu guumaysan jirey. Waa dad dhibsanaya xorriyadda ba, ku na farxaya cabudhinta iyo ku tagrifalka xorriyadaha.

Waxay mar wal ba u olaleeyaan faafreebka. Ciddii isfaafreebi wayda na in la dhibaateeyo ayay jecel yihiin. Run ahaantii way qarracmaan ba markay arkaan dad si xorriyad leh u dhaqmaya.

U ma ololeeyaan oo keli ah ee faafreebka ee way qabatimeen. Maalin kasta waxay maskaxdooda addoonnimo daahfurtaa mowduucyo ay iska xaaraantimeeyeen in laga hadlo iyo si ‘sax ah’ oo ay tahay in loo hadlo.

Sidii addomuhu isugu bajin jireen u gu na kaftami jireen jeedalka mulkiilayaashooda ayay isku cabsigeliyaan oo kaftan-dhabaale na dadka ugu gooddiyaan xadhig iyo ciqaabo sharcidarro ah.

“Liinta ha la siiyo iyo jeelkaad ku hor ciyaaraysaa” ayaa carrabkooda dullinimada la qabsaday ku soo celceliyaa.

Waa dhibbanayaal halis ku ah bulshada oo dhan. Waxay u baahan yihiin gurmad marka koowaad nafahooda laga ga badbaadinayo isla iyaga.

Marka labaadna, umadda inteeda kale laga ga xakamaynayo xanuunsidahooda dilaaga ah.

“Kuwaa kii ugu darnaa waa ka igu yidhi: “Xukuumaddu wixii ay U ARAGTO in ay khaldan yihiin, ha xidhxidho oo xabsiyada ha ku gurto.” Hadda maaha, wixii khaldan ee waa wixii ay U ARAGTO. Dadkeennu inta keliya ee ay ku ladnaayeen waa XORRIYAD-jacaylka ay qabaan iyo ka dhiidhiga ay ka gadoodaan DULMIGA. Waxa aad mooddaa taasi in ay iminka soo gabaabsiyaso oo ay qaayibayso liidashada iyo hoobashada.” – Ibraahim Ayman oo ka fal-celinayey qoraalkan.

Waxaa Qoray: Cabdillaahi Xasan

FG: Qoraal kasta waxa uu ka tarjumayaa aragtida qoraha ku saxiixan

Hadalsame Media