”Ma siinayno!” – Dal NATO ka mid ah oo Maraykanka ka diidey inuu hub dambe u diro Ukraine + Sababta & Sawirrada hubka

0

(Hadalsame) 16 Abriil 2022 – Dalal badan oo Midowga Yurub ama NATO ka tirsan ayaa haatan dhigaya orodkii ay bilowgii ku sheegeen inay wax kasta ku taageerayaan dalka Ukraine.

Dalka Giriigga ayaa ku dhawaaqay in aysan wax hub ah oo dambe u diri doonin Ukraine sababtoo ah ma haystaan wax ay bixin karaan, mana doonayaan inay wiiqaan kaydka difaacooda.

Wadankani waxa uu ka mid ahaa dowladihii hubeeynayey Kiev kaddib markii Ruushku uu weerarka qaaday bishii Febraayo. “Qalabka difaaca ee aan u dirnay Ukraine wuxuu ka yimid kaydkeenna. Mana dirayno wax intaa ka badan,” ayuu ku qayliyey Wasiirka Difaaca Nikolaos Panagiotopoulos oo intaa u sheegay Baarlamaanka dalkiisa.

“Ma jirto sabab aan u wiiqi karno difaaceenna, gaar ahaan jasiiradaha, innagoo qayb hubkaa ka mid ah qaadanayna oo u dirayna Ukraine. Waxaan rabaa inaan taa caddeeyo.” ayuu raaciyey.

Giriigga ayaa horay gargaar millateri u gaarsiiyay dalkaasi – sida gantaalaha la qaad qaadi karo, qoryaha Kalashnikov, iyo rasaas.

Athens, ayaa si kastaba ha ahaatee, haatan diiddey codsiga Washington ee ah in Kiev lagu wareejiyo hubkeeda culculus ee Soofiyeedku sameeyey, sida Tor-M1 iyo nidaamka difaaca hawada ee Osa-AK, sida ay werisey warbaahinta maxalliga ah ee Giriiggu.

Halkan hoose waxaad ka arki kartaa labada nooc ee Tor-Mi iyo Osa-AK ee ay Giriiggu diideen inay Ukraine siiyeen.

Hadalsame Media