Laba LIBOOD oo aan laga inkiri karin MW Farmaajo & meelaha aan lagu raacaynin

0

(Muqdisho) 16 Abriil 2022 – Waxaa hubaal in MW Farmaajo oo haatan xilka ku fadhiya sanad iyo suggii kaddib markii uu dhamaaday muddo-xileedkiisii ay talooyin badani ka hooseen shantii sano iyo dheeraadkii tegey, ama isagu ha talo xumaado ama duul aan talo haynin halla tashadee.

Yeelkeede, taasi kama dhigna in aanu lahayn waxyaabo taban oo lagu taageeri karo amaba ay tahay in isaga gadaashii bilow iyo asaas laga dhigo, iyadoo dabcan laga leexanayo meelihii isaga ka khaldamay.

Waxaa jira laba libood oo Farmaajo soo kordhiyey, kuwaasoo uu middood isaga laftiisu dheehii ka yara qaaday oo caraftii iyo nuxurkii ka qaaday, waana ku dari doonaa sharraxaada.

1 – LIBTA 1-AAD: Mudadii uu joogey waxay ahayd marka qura ee ay dhacday inay ciidamada iyo shaqaalaha DF ay si joogto ah u qaataan mushaharooyinkooda, si aan kala go’ lahayn.

2 – LIBTA 2-AAD: MW Farmaajo wuxuu dhisay wax ciidan loogu yeeri karo oo la howlgelin karo oo si uun u leh kala sarrayn iyo hab-raac howlgelineed & abaabul (chain of command), dabcan qaybta uu uga ciyaaray ee ka hoos baxday waa inuusan ciidanka ka dhigin xirfadle madaxbannaan oo aan lagu xasilin dano yar yar oo sahlan sida kursi xildhibaan iwm.

Haddii Alle talada wanaagsan ku toosin lahaa oo uu ciidanka iyo hay’aadka ammaanka siyaasadda ka dayn lahaa sida uu sharcigu qabana, wuxuu taa ku heli lahaa taageero aan ahayn mid daneed (dadka aan si daacan ah wax u taageerin ama u mucaaradin) mase dhicin, waana meesha ay tahay in laga saxo, laakiin cidina kama dafiri karto asaaskaa yar ee  wax lagu sii dul dhisi karo.

Waxaan sidoo kale saxnayn qaabka xilalka loo bixinayey muddadaas iyadoo uu MW Farmaajo caadaystey soo dhowaynta qofkii isaga u daacad ah (loyalism) in ka badan qofkii dalka u daacad ah ama howsha kasoo bixi kara, taasina waa dhaqan aan hufnayn oo indhow garad ah.

Waxyaabaha dhanka ciidamada ka khaldamay maqaal kale ayaan iyana ku qodobayn doonaa insha ALLE.

FG: Marka aan sidaa leeyahay micnuhu ma ahan inaysan waxba qaban dadkii isaga kasii horreeyey.

Waxaa Qoray: Maxamed Xaaji

Hadalsame Media