ISKA JIR! Agab nukliyeer ah oo kaah-fal halis ah leh oo ku dhex maqan Maraykanka & digniin loo diray dadwaynaha

0

(Philadelphia) 16 Abriil 2022 – Booliiska Maraykanka ayaa ka digey khatarta shucaaca kaah-falka nukliyeerka kaddib markii aaladda cabbirka Nukliyeerka ee la qaadi karo laga waayay baabuur la soo xaday Gobolka Pennsylvania.

Waaxda Ilaalinta Degaanka ee Pennsylvania (DEP) ayaa waxay waydiisatey dadweynaha in laga caawiyo raadinta cabbirahan “oo ka kooban ilo xiran oo kaaf-fal leh.”

Sida ku cad bayaan kasoo baxay Maamul-goboleedka Pennsylvania, qalabkan ayaa waxaa iska leh shirkad deggan Pennsylvania oo la yiraahdo KAKS and Company LLC, taasoo ka shaqaysata arrimaha kormeerka iyo carro tijaabinta aaladaha iyo goobaha nukliyeerka.

Waaxdu ma aysan cayimin goorta saxda ah ee gaariga iyo cabbiraha, oo sida caadiga ah loo isticmaalo in lagu qiimeeyo guryaha iyo goobaha dhismaha,” la xaday. Waxayse sheegeen in gaariga laga soo xaday magaalada Philadelphia.

Waaxdu waxay ku nuuxnuuxsatay in sida caadiga ah aanu cabbiruhu wax khatar ah keenin kaligii. Yeelkeede, haddii qalabkau uu si xun u waxyeelloobbo ama uu gaari ku dhaco oo uu dhawac jireen gaaro, “waxaa ka dhalan kara kaah-fal halis ah.”

Waxay arrintan oo kale dhacday 2016, 2013, 2010 iyo 2021, iyadoo sanadkii hore ay DEP iyo booliiska gobolku isla raadinayeen agabkan oo kale kaasoo markii dambe uu qof soo helay iyadoo lagu abaalmariyey $1,000 oo Doollar.

Hadalsame Media