WACAAL SIRDOON: War midkii hore ka CABSI badan oo kasoo kordhay markabkii quusay ee Moskva (Arag caddaynta)

0

(Moscow) 15 Abriil 2022 – Ehelada shaqaalihii la socdey markabka calanka Badda Madow ee Ruushka Moskva ayaa ka horyimid faafreebyada Dowladda Ruushka si ay u qabtaan xus baroordiiq ah oo aan rasmi ahayn maanta, iyadoo Ukraine ay sheegtay in dhammaan 510 oo ahaa shaqaalihii markabka ay dhinteen – kuwaasoo uu ku jiro naakhuudihii markabku.

Sheegashada Kyiv ayaa imanaysa kaddib markii Maraykanku uu xaqiijiyay in uu aaminsan yahay in Ukraine ay dhab ahaantii gantaal ku garaacday markabkan oo ahaa kuwa qaada gantaalaha kuruuska oo la sanceeyey waayihii Soofiyeetka, kaasoo ay Wasaaradda Gaashaandhigga Ruushku xalay xaqiijisay inuu degey kaddib markii dabkiisa la damin waayey.

Anton Gerashchenko, oo ah La-taliyaha Wasaaradda Arrimaha Gudaha ee Kyiv, ayaa maanta sheegay in “qaraxa uu ahaa mid aad u xooggan oo keenay in calan-sidihii Ruushka ee Badda Madow uu ku dego daqiiqado gudohood”.

Waxa uu ku andacoodey inuu arrintan ka maqlay ilo ku sugan Sevastopol, oo ah xarunta ugu wayn ee Maraakiibta Badda Madow ee Ruushka. “Sida muuqata, natiijada dabka awgeed, madaxyada gantaalaha waawayn ee P-1000 – Vulkan – ayaa qarxey.

Waxaana uu markabku sidey 16 gantaal oo noocan ahaa. Natiijo ahaan ‘dhammaan shaqaalihii markabka Moskva way dhinteen. Waxaa dadka dhintay ku jirey kabtankii markabka, Anton Kuprin.” ayuu yiri Gerashchenko.

Dhanka kale waxaa jirta arrin kale oo cabsi leh, Mykhailo Samus, oo ah agaasime ka tirsan hay’ad daraaseeyda arrimaha millateriga oo fadhigiisu yahay Lviv; Andriy Klymenko, tifaftiraha Black Sea News iyo wargayska Defence Express ee Ukraine ayaa dhamaantood ka digey in Moskva uu sido labo madax oo nukliyeer ah oo loogu talagalay in lagu rakibo gantaalada quusay ee P-1000 waxa ay Maraykanku af garasho ahaanta u yaqaannaan ”Qaanso Jabtay”, marka uu dhaco shil nukliyeer ah.

Saraakiisha Ukraine ayaa fiidnimadii Arbacadii sheegtay in batari ah gantaalaha difaaca maraakiibta ee Neptune oo lagu qariyay magaalada Odessa ay ku guulaysteen inay 2 jeer gantaal la helaan markabka Moskva, iyagoo gubay markabka.

Ruushka ayaa isagoo taa ka duulaya wuxuu xalay dhulka dhigay wershaddii gantaalahan iyo kuwa kale samayn jirtey oo ku taalla magaalada Kyiv ee caasimadda Ukraine.

Gantaalaha kuruuska ah ee P-1000

Hadalsame Media