Turkiga oo shaaciyey hal shuruud oo uu uga qaybgeli karo cunaqabataynta Ruushka lagu hilay

0

(Ankara) 15 Abriil 2022 – Suurtagalnimada in Turkigu uu ku biiro cunaqabataynta ka dhanka ah Ruushka waa “wax aan macquul ahayn,” ayuu yiri Wasiirka Arrimaha Dibedda ee Ankara, Mevlut Cavusoglu, oo sidaa ku sharraxay waraysi uu siiyay hilinka wararka maxalliga ah ee NTV Khamiistii.

Si kastaba ha ahaatee, wuxuu xusay in dalkiisa ku khasbanaan doono inuu raaco cunaqabateynta haddii ay ansixiyaan Qaramada Midoobey.

“Turkigu waxa uu u hoggaansamayaa sharciga caalamiga ah, waxa aanu sii wadi doonnaa siyaasad arrimo dibadeed oo dheelli tiran. Laakiin haddii Qaramada Midoobey ogolaato cunaqabataynta ka dhanka ah Ruushka, Turkigu wuxuu ku khasbanaan doonaa inuu raaco,” ayuu yiri Cavusoglu.

“Laakiin marka la eego ku biirista cunaqabataynta ay soo rogeen dalal gaar ah, waxaan u maleynayaa in dalalkani ay laftoodu fahmayaan, marka la eego booska dhexdhexaadka ah ee Turkiga, in taasi aanay macquul ahayn,” ayuu raaciyay.

Waxa uu sii raaciyey in saaxiibada reer Galbeedka ee Turkigu ay inta badan su’aalaan mowqifka Ankara, isagoo sheegay in ay badiyaa waydiiyaan “Cirka ma xiri doontaan?” Waxaad u baahan tahay inaad fahamto in Turkigu uu hayo jago dhexdhexaadnimo ah ayna ka go’an tahay xasilinta xaaladda.” ayuu ku dooday diblomaasiga ugu sarreeya Turkigu.

Hadalsame Media