Laba dal oo Muslim ah oo doonaya inay helaan gantaalaha guuxooda ka dheereeya (Dalalka ay la kaashanayaan?)

0

(Hadalsame) 15 Abriil 2022 – Waxaa haatan dunida dhowaangal ku ah gantaalaha guuxooda ka dheereeya oo ay qaarkood awood u leeyihiin inay dunida oo idil kusoo wareegaan iyadoo aan la arag ilaa ay kaddib dhulka kasoo galaan dhanka hawada sare iyagoo ku socda xawaare dhowr jeer guuxiisa ka dheereeya.

Waxaa hubkan ilaa haatan haysta dalalka Ruushka, Shiinaha iyo Maraykanka oo heer tijaabo maraya, yeelkeede, Sacuudi Carabiya iyo Imaaraadka Caraba ayaa muujinaya xiise sare oo hubkan ah.

Dhaxal-sugaha Sacuudiga, Maxamed Bin Salmaan Bin C/casiis ayaa lagu soo warramayaa inuu rumeysan yahay in Maraykanka ay u badan tahay inuu kahortago inay mustaqbalka hubkan u fasaxaan dalkiisa, wuxuuna sahminayaa ikhtiyaaraad kale iyadoo aan meesha laga saari karin Ruushka iyo xitaa Shiinaha.

Dhiggiisa Dhaxal-sugaha Abuu Dabeey, Sheikh Mohammad Bin Zayed Al Nahyan, ayaa la sheegayaa in uu isna ka fiirsanayo inuu Paris iska kaashadaan helitaanka tiknolojiyaddan casriga ah, gaar ahaan gantaalaha guuxooda ka dheereeya waloow Faransiisku uusan weli haysan hubkaas.

Waxa kale oo la sheegay inuu ku kalsoon yahay in shirkadda Faransiiska ee Dassault Aviation ay ku guulaysan doonto inay samayso diyaarad dagaal oo jiilka 5-aad ah, taasoo ay iyadana raajicis ugu jiraan Imaaraadku.

Dunida Muslimka ayaan haysan hubka istaraatijiga ah ee muhimka ah marka laga reebo dalka Pakistan, iyadoo ay gantaalahani ka mid yihiin hubka istaraatijiga ah baxaalligooda dartii, waloow kuwa ay haatan dalalkan rabaan aysan lahayn madaxyo nukliyeer ah.

Hadalsame Media