Ukraine oo sheegtay inay 2 gantaal u qarisay markab ka mid ahaa kuwa ugu caansan Ruushka oo wada gubtey (Qiraal ka yimid Moscow)

0

(Hadalsame) 14 Abriil 2022 – Dhammaan naaquudayaashii saarnaa markabka dagaalka ee ‘Moskva’ ayaa si halhaleel ah loo daad gureeyey kaddib markii uu qarax ka bilowday markabka, sida ay sheegtay Wasaaradda Gaashaandhigga oo oo xog-siinaysa warbaahinta Ruushka iyadoo xustay in “markabku uu si xun u waxyeelloobey.”

Markabkan oo ah nooca Atlant-class ee gantaalaha xambaara lana sameeyey 1979-kii ayaa sida ama ku hubaysan 16 gantaalaha lidka maraakiibta iyo gantaalo badan oo difaaca cirka ah, torpedos iyo qoryo kale.

Waa mid ka mid ahaa calan-sidayaasha ugu caansanaa maraakiibta Raxanta Badda Madow, waxaana uu hawlgallo ka wadey xeebaha Ukraine tan iyo bishii Febraayo.

Saraakiisha Ukraine ayaa fiidnimadii Arbacadii sheegtay in batari gantaalaha difaaca maraakiibta ee Neptune oo lagu qariyay magaalada Odessa ay ku guulaysteen inay 2 jeer la helaan markabka Moskva, iyagoo gubay markabka.

Waxaa ragga warkaa sheegay ku jira Maksim Marchenko, Madaxa Maamulka Ciidanka ee Odessa, iyo Anton Gerashchenko, La-taliyaha Wasaaradda Gudaha ee Kiev.

Yeelkeede, ma keenin wax caddayn ah oo ay sheegashadaa ku kabaan.

Hadalsame Media