Ruushka oo sheegay inay tarab tarab isu soo dhiibayaan ciidankii ka dagaallamayey Mariupol

0

(Hadalsame) 14 Abriil 2022 – In ka badan 1,000 ka mid ah Ciidamada Badda ee Ukraine ayaa lagu khasbay inay hubka dhigaan oo is dhiibaan magaalada go’doonsan ee Mariupol kaddib markii uu dagaal culusi ka dhacay islamarkaana laga gooyey khadadkii saadka, taasoo keentay in ay waayaan rasaas iyo cunno, sida uu sheegtay Kremlin-ku.

Wasaaradda Difaaca ee Ruushka ayaa sheegtay in 1,026 askari oo Yukreeniyaan ah kana tirsan Guutada 36-aad ee Marines-ka oo ku sugnaa meel u dhow Wershadda Birta iyo Aastadu ay is dhiibeen.

Oleksandr Motuzyanyk, oo ah Afhayeenka Wasaaradda Difaaca ee Ukraine, ayaa sheegay inuusan wax wacaal ah ka haynin sheegashadan.

Sidoo kale ma jiro wax hadal ah oo ka soo baxay Xafiiska Madaxwaynaha Ukraine, ama Abaanduulka Guud ee Ukraine, oo aalaaba bixiya wararka joogtada ah ee dagaalka.

Hadalsame Media

Facebook Comments