“Ficilkaagu waa mid laga xanaaqo!” – Jarmanka oo ka xumaaday bahdil ay Ukraine u gaysatey & arrin ay xusuusiyeen

0

(Berlin) 14 Abriil 2022 – Ukraine waxay soo dhowaynaysaa mas’uul kasta oo ajnabi ah “oo darajo sare leh”  ilaa iyo inta ay la imanayaan “qorshe gaar ah oo la xirhiira yabooh dhaqaale ama taageero millateri,” ayuu yiri Kaaliyaha Madaxwaynaha Volodymyr Zelensky oo la hadlay wargayska Die Welt, isaga oo sharraxaya go’aanka Kiev ku diiddey booqashadii Madaxwaynaha Jarmanka, Frank-Walter Steinmeier.

“Booqashooyin kasta oo dhaca maalmahan waxay ku dhamaanayaan natiijo [mucayin ah],” ayuu yiri Xigeenka Madaxa Maamulka Madaxweynaha Ukraine, Igor Zhovkva, isaga oo intaa ku daray in Kiev ay aad u jeclaan lahayd inay aragto “in siyaasi kasta oo heer sare ah”oo imaanaya Ukraine “uu keeno natiijadaasi.”

Wuxuu deeto sii waday inuu yiraahdo, in xaalada Jarmanka marka la eego ay ka doonayaan la middood; waxay Ruushka ku soo rogi kartaa “cunaqabatayn saliideed” ama waxay bixin kartaa “dammaanad” ku aaddan ka mid noqoshada Ukraine ee Midowga Yurub ama waxay bixin kartaa “qala ciidan oo culus”.

Madaxwayne Frank-Walter Steinmeier ayaa ku dhowaa inuu booqasho ku tago Kiev isaga iyo dhiggiisa dalalka Poland, Estonia, Latvia iyo Lithuania Arbacadii. Si kastaba ha ahaatee, wuxuu sheegay Talaadadii in “sida muuqata aan laga rabin” dhanka caasimadda Ukraine.

Dhanka kale, Jarmanka oo arrintan oo uu ku tilmaamay mid ”ka xanaajiso ah” ka jawaabaya ayaa sheegay inuu sameynayo in ku filan si uu u taageero Ukraine, sida uu Chancellor Olaf Scholz u sheegay raadiyaha RBB ee dalkiisa.

Madaxa dowlada Berlin ayaa sidoo kale sheegay in aanay qorshaha isaga ugu jirin inuu u safro Kiev kaddib markii maamulka Ukraine uu diiday booqasho uu halkaa ku tegi lahaa Madaxweynaha Jarmanka, Frank-Walter Steinmeier.

Ra’iisal wasaaraha ayaa sheegay in uu Kiev tegey wax yar kahor inta uusan bilaaban dagaalka millateri, isaga oo intaa ku daray in uu si joogto ah ula xiriiro Madaxweynaha Ukraine, Volodymyr Zelensky, oo uu kula hadlay taleefoonka.

Scholz ayaa ku tilmaamay go’aanka Kiev ee ah inaysan qaabilin Madaxwaynaha Jarmanka “wax laga xumaado”, isagoo intaa ku daray in Steinmeier uu si farxad leh u booqan lahaa caasimadda Ukraine “ayna fiicnaan lahayd” in Ukraine ay soo dhoweyso.

Scholz wuxuu sii adkeeyay in Berlin ay sameynayso wax ku filan si ay u caawiso Kiev. “Waan hubaa in Ukraine ay si sax ah u garanayso cidda siisay kaalmada dhaqaale ee ugu wayn sannadihii la soo dhaafay,” ayuu u sheegay RBB isagoo abaal sheeganaya wuxuuna sii raaciyay:

“Jarmanka ayaa sidaas [taas] samaynayey sannado badan.” Chancellor-ka ayaa sidoo kale sheegay in qarankiisu ay Kiev siinayeen “hubka difaac oo baaxadda wayn”, caawimadani waxay durba caddaysay inay qiimo wayn u leedahay dedaalka millateri ee Ukraine.

Madaxwaynaha Ukraine ee Volodymyr Zelensky ayaa haatan u muuqda mid isku deyaya inuuba wax u yeeriyo dalalkii isaga caawinayey, taasoo ay dad badani ku tilmaameen nin muujinaya fahamka yar ee ka haysta sida ay u shaqayso diblomaasiyadda dunida maadaama uu dhowaangal ku yahay siyaasadda.

Hadalsame Media