“Waxaan beegsan doonnaa xarumo aynaan weli duqayn!” – Ruushka oo digniin culus u jeediyey Ukraine kaddib markii la xanuujiyey

0

(Moscow) 13 Abriil 2022 – Moscow ayaa ilaa hadda ka gaabsanaysey inay weerarto meelaha go’aannada Ukraine laga gaaro, laakiin haddii Kiev ay sii waddo isku dayga ay ku doonayso inay ku fuliso  weerarrada kharbudaadda ah ee gudaha Ruushka, tani way isbeddeli doontaa, ayuu yiri Afhayeenka Wasaaradda Gaashaandhigga ee Ruushka.

“Waxaan aragnay isku dayo lagu doonayo in wax lagu waxyeelleeyo iyo weerarro ay ciidamada Ukraine ku qaadeen xarumo ku yaal gudaha dhulka Ruushka. Haddii isku dayada noocan oo kale ah ay sii socdaan, Ciidamada Qalabka Sida ee Ruushka ayaa weerari doona xarumaha go’aan qaadashada, oo ay ku jirto Kiev – waana wax aan ilaa hadda ka gaabsannay,” ayuu yiri Jeneraal Igor Konashenkov.

Inkasta oo Konashenkov aanu cayimin weerarrada ama isku dayga kharribaadda ah ee uu tixraacayo, Isniintii Ruushka ayaa ku dhawaaqay heegan sare oo argagixiso oo ku saabsan saddex gobol oo xuduud la leh Ukraine – Bryansk, Kursk iyo Belgorod – iyo dhowr degmo oo xuduudaha ah sida Krasnodar, Voronezh iyo Crimea.

Difaaca cirka ee Gobolka Belgorod ayaa heegan la geliyey todobaadkii la soo dhaafay, sida ay sheegtay warbaahinta gudaha Ruushku.

Kiev ayaa markii hore sheegatay kaddib se dafirtay weerar ay 1-dii Abriil laba diyaaradood oo helikobter ihi ku qaadeen goob shidaalka lagu kaydiyo oo ku taal koonfurta magaalada Belgorod, taasoo keentay in aanay wax dhaawac ah ama dhimasho ahi ka dhalan balse ay gaystaan khasaare balaaran.

Russian authorities are also investigating a March 29 rocket attack with at least three Tochka-U missiles fired from Ukraine at a military unit near Belgorod. The internationally banned cluster munitions injured eight Russian citizens and damaged 21 vehicles as well as some buildings.

Mas’uuliyiinta Ruushka ayaa sidoo kale baaraya weerar gantaal ah oo dhacay 29-kii Maarso markaasoo ay ugu yaraan saddex gantaal oo ah nooca Tochka-U ah oo laga soo ridey Ukraine oo lagu weeraray cutubyo millateri oo deggan meel u dhow Belgorod.

Gantaalaha cluster-ka ee dagaalka caalamiga ah laga mamnuucay ayaa dhaawacay 8 muwaadin oo Ruush ah waxayna waxyeello gaarsiiyeen 21 baabuur iyo sidoo kale dhismayaal, sida ay Ruushku sheegteen.

Ruushka ayaa burbur xoog leh gaarsiiyey Ukraine oo uu weeraray 24kii Febraayo walow uu isagu diiddan yahay in gudihiisa la weeraro.

Hadalsame Media