Turkiga oo sameeyey raadaar 10,000 oo cagood sidii il gor gor uga sawiraya wixii dhulka maraya + Sawirro

0

(Ankara) 13 Abriil 2022 – Turkiga ayaa diyaaradaha aan duuliyaha lahayn ee Daroonnada (UCAVs) gaynaya Badda Madow si ay u ogaadaan miinooyinka badda sabbaynaya ee dhowaan laga helay baddaasi xilli uu soconayo dagaalka Ruushku kula jiro Ukraine.

Ismaaciil Demir, oo ah Madaxa Wershadaha Difaaca (SSB), ayaa hadalkan ku sheegay bartiisa Twitter-ka, isagoo tibaaxay in diyaaraddan gaarka ah loo isticmaali doono in lagu arko miinooyinka si ay u furfuraan kooxaha difaaca biyaha hoostooda ee Turkiga (SAS).

Demir waxa uu sheegay in ay ku biiriyeen radaar casri ah (SAR) ku biiriyeen dayuuradda ay samayso Wershadaha Aerospace Industries (TAI) ee Anka UCAV oo duuli karta joog dhan 10,000 oo cagood, taasoo ay horay u haysteen Taliska Ciidanka Badda Turkigu (DzKK).

SAR waxaa soo saartay shirkadda wayn ee difaaca Turkiga ee Aselsan, waana hannaan raadaar kuwa cirka ah oo loo isticmaalo sawir-qaadista heerka sare ee dhulka iyo ogaanshaha bartilmaameedyada socda ee dhulka maraya.

Nidaamyada SAR waxay qiimo u leeyihiin ilaalinta hawada, taasoo u oggolaanaysa 24/7 ay sawir ka qaadaan dhulka iyagoo ku shaqaynaya dhammaan xaaladaha xitaa cimilada xun.

Turkiga ayaa ilaa haatan wuxuu 3 miino oo habow ah ka helay Black Sea kuwaasoo ay fiyuusyadii ka saareen Ciidanka Gaarka ah ee SAS.

Hadalsame Media