Ma ogtahay inay jirto arrin uu caalamku aad u hadal hayo balse uu MW Farmaajo afkiisa ka dhowro?! (Indhahaaga ku arag)

0

(Hadalsame) 13 Abriil 2022 – Waxaa dalka Somalia ka taagan wax lagu miisaaley Abaartii Dabadheer oo kale oo haatan ku dhufatay ku dhowaad kala bar dadwaynaha, tiiyoo ay 1.5 milyan oo carruurta sii yar yar ihi ay wajahayaan nafaqo-darro aad u daran.

Si aannu sawir rasmi ah kaaga siinno qarada abaartan, tusaale ahaan, abaartii 2017-kii dhammaan muddadii sanadkii 2017-kii ee Jannaayo ilaa Diseembar waxay abaartu barakicisay 900,000 oo qof.

Laakiin muddadan laga soo bilaabo Diseembar 20, illaa Maarso 21 oo ah 4 bilood oo qura, waxaan barakacay in ka badan 700,000 oo qof taas oo ah tiro muhiim ah oo ka sarreeysa wixii aan aragnay 2017-kii, sida ay sheegayso Hay’adda Arrimaha Aadminnimada QM ee OCHA.

Waxaa ka jawaabista abaartan sidoo kale sii ragaadiyey khilaafyada kale ee haatan dunida ka jira sida Dagaalka Ukraine oo ay ku barakaceen 4 milyan oo qofi, islamarkaana ay reer Galbeedku si gaar ah ula tacaddufayaan, misna hay’aadka warbaahinteed ee dunida ayaa aad usoo duwaya wararka abaarta iyo busaaradda Somalia.

Marka tacadduf iyo dareen laga hadlo waxaa la yaab leh in Madaxwayne Farmaajo oo ah ninkii dalka loo dhaariyey uu wax uu abaarta ka qabto iyo agaasin uu sameeyaba ha joogtee uu afkiisa ka dhowro inuu xitaa soo hadal qaado in ay dalka abaari ka jirto.

Shalay ayaa ugu dambaysey oo uu Muqdisho ku qabtay dabbaaldeg wax micne ah oo uu ku fadhiyo aanu jirin oo loo dhigay sanad-guuradii 62-aad ee CXDS oo ay dadka qaar ku tilmaameen mid iyaga laftooda meel ka dhac ku ah, marka la eego xilliga uu kusoo beegmay ee uu dalku wajahayo abaar, khilaaf siyaasadeed ay DF nuskeed ku maqnayd iyo ammaan xumi, marna sooma hadal qaadin wax abaar la yiraahdo iyadoo ay dadku filayeen inuu dunida u qayladhaamin doono, taasoo markale keenaysa su’aasha ah sida uu qof u jeclaan karo inuu xukumo dal uusanba wax dareen iyo naxariis ah u haynin iyo inay dadku cunayaan sawirrada iyo muuqaallada qurqurxoon ee abaar moogga ah ee lagu soo bandhigayo bogagga Madaxtooyada ee waaqica ka fog?!!

Hadalsame Media