DEG DEG: Is rasaasayn ka dhex socota hay’ad dowladeed magaalada Hargaysa + Sawirro

0

(Hargaysa) 13 Abriil 2022 – Waxaa lasoo sheegayaa in ay is rasaasayni ka socoto Xabsiga Wayn ee magaalada Hargaysa iyadoo rasaasta la maqlayo balse aan weli lasoo helin cidda isku haysata goobta.

Sida uu sheegayo hilinka Horncable TV waxaa is rasaasayntan ku dhaawacmay ciidan ka tirsan kuwii ilaalada Xabsiga, iyadoo dadwaynaha loogu baaqayo inay ka fogaadaan goobtaasi.

Wararka soo baxaya ayaa sheegaya in is rasaasayntu ay salka ku hayso maxaabiis gadoodsan oo bannaanka usoo baxday, iyadoo ay halkaa gaareen unugo ka tirsan Ciidamada Gaarka ah ee RRU, iyo ciidamada Booliska iyo kuwa Asluubta oo gurmad ah.

Wixii wacaal ah ee kasoo kordha la soco….

Hadalsame Media