YAAB: Ruushka oo u baahday gantaal uu sameeyo dal Muslim ah oo uu qaab tahriibin ah ku helayo

0

(Moscow) 12 Abriil 2022 – Ruushka ayaa la sheegay inuu rasaas iyo agab ciidan oo kala duwan loosoo marinayo dalka Ciraaq si uu ugula dagaallamo Ukraine iyadoo uu hubku ka imanayo Iiraan, sida ay sheegeen xubno ka tirsan malliishiyaad Ciraaqi ah oo ay Iiraan taageerto oo arrintan ka war haya.

Sida lagu faafiyey The Guardian, qoryaha RPG-7, gantaalaha taangiyada dila, iyo madfac tuure ay Brazil naqshadaysay ayaa Ruushka loo marsiiyey Ciraaq, xilli Moscow uu kusii dheeraanayo dagaalka Ukraine.

Gantaalka Bavar 373 oo ay Iran samaysay, oo la mid ah midka Ruushka ee S-300, ayaa sidoo kale waxa Moscow ugu deeqay maamulka Tehraan, oo sidoo kale soo celiyay gantaalo ah S-300, sida ay sheegayaan ilo gacan ka gaystey abaabulka daabulka.

Isticmaalka hubka sidan qarsoodiga ah loo tahriibinayo ayaa waxa ay tilmaan u noqon doontaa isbedel wayn oo ku yimi istaraatiijiyadda Ruushka, maadaama Moscow ay ku khasban tahay in ay ku tiirsanaato Iiraan, oo ah xulafadeeda millateri ee Suuriya, kaddib cunaqabataynta cusub oo ka dhalatay duullaanka Ukraine.

Warkan ayaa sidoo kale muujinaya saameynta wayn, jihada iyo mugga uu gaari karo ganacsiga caalamiga ah ee hubka suuqa madow, sida uu qorayo The Guardian.

Lama hubo inuu warkan oo ay tahay in cusbo yar lagu liqo uu run yahay iyo inuu qayb ka yahay dacaayadaha ay Galbeedku ka faafinayaan Ruushka.

Hadalsame Media