”Waxaa nalaka qaaday telefoonnadii kaddibna laaluush laba-laab ah ayaa nala waydiiyey!” – Safaaradda Somalia ee Nairobi oo laga sheegtay

0

(Nairobi) 12 Abriil 2022 – Waxaa inta badan laga sheegtaa hab-dhaqannada howleed ee Safaaradaha iyo dhammaanba hay’aadka dowladeed ee dalka Somalia, kuwaasoo marka laga yimaado inay halbeeg adeeg ahaan aad u hooseeyaan oo aysan ku dhowaad wax adeeg ah ummadda u qaban, misna ummada ka shaqaysta halkii ay u shaqayn lahaayeen.

Haatan waxaa nasoo gaartey eed sheegasho ka dhan ah Safaaradda Somalia ee Nairobi oo ay dad adeeg u doontay Hadalsame u sheegeen in la waydiiyey lacag laaluush ah oo ka badan adeeggii ay Safaaradda u tageen.

”Yar ila dhashay ayaan Safaaradda u raacay anigu waxaan ka imaaday Maraykanka yarkii markii aan la tegey Safaarada telefoonnada ayaa nalaka qaaday markaas kaddib ayaa gudaha naloo daayay markii aan gudaha galnay ayaa waxaan u sheegnay in uu baasaboor uu naga lumay oo haddii ay macquul tahy naloo hagaajiyo,” ayay warkiisa ku bilaabay wiil magaciisa ku koobay Asad Yare.

”Waxay nagu dheheen waa in aad la timaadaan warqad booliis iyo lacag dhan 150$ haye ayaa ku dhahnay ee ballan aan ku imaanno noo sameeya ma u baahnidiin ballan ee xilliga aad soo heshaan imaada hagaag sidii ayaan kusoo baxnay. 4 Maalmood ayay nagu qaadatay inaa helno warqaddii markii aan meesha tagnay waxay nagu dheheen ballan ayaad u baahan tahiin ee qabsada. Waxaan samayno ayaan fahmi wayney oo ballantii oo hal isbuuc kadib ah ayaan iska qabsannay,” ayuu raaciyey isagoo la yaabban sida ay wax isu khilaafsan yihiin.

”Markii aan soo laabannay isbuuc kaddib oo aan gudaha galnay waxay nagu dheheen waxaa la timaadaan baasaboorkii dhumay iyo 2 sawir islamarkaana ballan kale qabsada kaddibnna waxay qaadanee 3 bilood iyo waxii ka badan sidaas ayaan isaga soo tagnay. Ha yeeshee kaddib waxaan helnay qof dad ka yaqaanna waxaase nalookugu soo dhammeeyey $150 Doollar oo khidmadda baasaboorka ah iyo $300 oo Doollar oo laaluush ah.” ayuu hadalkiisa kusoo afjaray Asad Yare.

Halkan waxaa ka muuqata in Baasaboorka Somalia oo ka mid ah kuwa haatan ugu bandhig liita dunida marka la eego dalalka lagu tegi karo uu sidoo kale yahay midka ugu qaalisan qiime ahaan, waayo dunida meel uu baasaboor $150 Doollar ka joogaa ma jirto, balse waxaa sii dheer, laaluush laba-laab ka badan iyo qofkii oo la iska daba wareejinayo, taasoo dad badan ka niyad jebinaysa dowladnimada idilkeed.

Asad Yare wuxuu ugu dambayn madaxda sare ee Safaaradda usoo jeediyey inay hagaajiyaan hannaanka howleed ee Safaaradda, habka ay ula dhaqmayaan dadka muta iyo hufnaanta iyo daah-furnaanta shaqada ay qabanayaan.

Waxaan isku daynay inaan la xiriirno madaxda Safaaradda balse weli nooma suuragelin inaan helno si ay arrintan uga hadlaan.

Hadalsame Media