Kenya oo weli sidii wax ay iyadu leedahay ula dhaqanta dhul-badeedkii Somalia loo xukumay

0

(Lamu) 12 Abriil 2022 – Lix bilood ayaa laga joogaa markii ay Maxkamadda Cadaalladda Adduunka xukuntay dacwadii badda ee u dhaxaysay Soomaaliya iyo Kenya, go’aankaas oo inta badan aagga lagu muransanaa u xukumay Soomaaliya.

Aggaas oo ka tirsan Badweynta Hindiya ayaa la rumaysan yahay inuu leeyahay shidaal iyo gaas, sidoo kalena waxa uu qani ku yahay noocyada kala duwan ee noolaha badda.

Kenya ayaa diidday inay u hoggaansato go’aanka Maxkamadda, iyadoo kalluumaysateeda, gaar ahaan kuwa Lamu ay weli ka jillaabtaan qeybta loo xukumay Soomaaliya.

Abubakar Twalib oo kamid ah kalluumaysata Lamu, muddo 30 sano ah ku jiray hawshaas ayaa subax kasta u shaqo taga biyaha lagu mursan yahay, gaar ahaan qeybta loo xukumay Soomaaliya.

Waxa uu kamid yahay tiro kalluumaysato reer Lamu ah oo wacad ku maray in aysan aqbali doonin go’aanka maxkamadda, halka qaar kale ay ka baqeen tallaabada noocaas ah.

Weriyaha BBC Emmanuel Igunza ayaa la kulmay Abubakar oo maalin kasta ka kaluumeeysta badda loo xukmiyay Soomaaliya.

Kahor inta uusan safarka u bixin, Abubakar ayaa weriyaha tusay doonyo kalluumaysi oo camal la’aan ah.

“Dhammaantood waxay ka soo jilaabban jireen biyaha Soomaaliya, hadda waa shaqo la’aan oo kalluumaysata ma haystaan waxay ku maareeyaan noolal maalmeedkooda, muranka labada waddan awgii,” ayuu yiri Abubakar.

70% kalluunka lagu iibiyo jasiiradda Lamu ayaa laga keenaa aagga ay labada waddan isku hayaan ee badweynta Hindiya. Waxaa laga heelaa noocyada ugu qaalisan kalluunka, gaar ahaan aargoosatada.

“Haddii uu dhaqangalo go’aanka maxkamadda, waxa uu nooga dhigan yahay geeri. Waxaan ka cabsi qabnaa inay ka dhalato saamayn ballaaran. Waxaa suuragal ah in argagixasada ay ka faa’iideysato kalluumaytada shaqo la’aanta ah.”

Abubakar ayaa sheegay in sanado badan ay ka kalluumaysanayeen baddaas, haddana ay u muuqdaan kuwo ajaaniib ku ah dhulkooda.

Ciidanka badda Soomaaliya

Soomaaliya ayaa qaaday tallaabo ay ku ilaalinayso baddeeda. Waxaa dhawaan magaalada Muqdisho laga furay xarun casri ah oo lagu tababarayo booliska ilaalada badaha. Mashruucaas oo ku kacaya 3 milyan oo Euro ayaa waxaa maalgeliyay Midowga Yurub.

Natiijada laga filayo mashruucan ayaa ah in ciidanka Soomaaliya uu si buuxa ula wareego sugidda amniga badaha dalka, uuna ka hortago fal dembiyeedyada uu kamidka yahay kalluumaysiga shari darrada ah.

Mbwana Shishi waa kalluumayste ruug cadaa ah oo xirfaddan ku jiray sanado badan. BBC-da ayaa Lamu kula kulantay maalin uu kalluun dhan 800 oo kilo soo jillaabtay. Balse waxa uu ka walwalsan yahay mustaqbalkiisa.

“Waxaa nalaga saaray bad aan weligeen naqaanay oo aan si taariikhi ah uga kalluumaysan jirnay. Fursad kale nooma furna oo aan ka ahayn in aan ka kalluumaysanno biyaha Soomaaliya. Waa nagu tiirsan carruur u baahan cunno iyo waxbarasho. Noolal kale ma lihin. Haddii kalluumaysiga aan joojino, waan dhimanaynaa,” ayuu yiri Shishi.

Sanadkii 2018, maxkamad ku taalla Kenya ayaa dowladda ku amartay inay magdhaw siiso kalluumaysata Lamu, isla markaana ay u abuurto ilo dhaqaale ay ka heli karaan. Afar sano kadib, xukuumadda Nairobi ayaan fulin ballanqaadkii ay u samaysay dadkan.

Abubakar iyo kalluumaysata la midka ah ayay ka go’an tahay inay sii waddaan ka kalluumaysiga biyaha loo xukumay Soomaaliya, ilaa inta ay caqabad kala kulmayaan xukuumadda Muqdisho.

Isha: BBC Somali

Hadalsame Media