Howlaha qabanqaabada dhaarinta Xildhibaannada oo ka socota Teendhada Afisyooni

0

(Muqdisho) 12 Abriil 2022 – Diyaar garowga dhaarta Xildhibaannada labada Aqal ee Baarlamanka 11-aad ayaa soconaysa.

Munaasabaddan ayaa berri dambe ku madlan Teendhada Afisyooni oo sidoo kale ah halka doorashada Madaxweynuhu ay ka dhici doonto, sida qorshaysan.

Guddiga FEIT ayaa mar sii horreeysey soo saaray warqad lagu wargelinayo Xildhibaannada qaatay shahaaddada rasmiga ah ee Xildhibaannimadu inay kasoo qaybgalaan munaasabadda dhaarrinta oo loo asteeyay 14-ka Abriil.

“Goobtu waa Tendhada Afisiyooni, Saacadduna waa 10:00AM.” Ayss lagu xusay qoraalkaasi.

ATMIS oo Xalane bandow gelisey ayaa horay u caddaysay inaysan taasi carqaladayn doonin howlaha garoonka iyo kuwa DF.

Hadalsame Media